Saxilnews.com
TALIYAHA CIIDANKA ASLUUBTA OO KU DHAAWACMAY SHIL BAABUUR
September 4, 2016 - Written by cali abdilaahi

Hargaysa(Saxilnews.com)Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun, ayaa ku dhaawacmay shil baabuur oo ka  dhacay degmada lughaya ee gobalka Awdal.

xudhuun

Dhaawaca taliyaha ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, waxase dhaawiciisa lagu sheegay mid culus darawalkii baabuurka taliyaha.

Taliye Xudhuun ayaa kormeer ku marayay deegaanada Lughaya ee gobalka Awdal, waxaana xalay dhaawacooda la soo gaadhsiiyay cisbitaalka magaalada Borama.

 

COMMENTS
Latest News