Saxilnews.com
Taliyaha Boliiska Sanaag Oo Tacsi Ka Diray Geerida Afhayeenkii Boliiska Somaliland
March 14, 2015 - Written by admin

Ceerigaabo(Saxil News.com ) Taliyaha Qaybta Boliiska Sanaag C/risaaq Yuusuf
(Casayr) Ayaa Tacsi Ka Diray Geerida Marxuum- Gaashaanle-C/laahi Xasan
oo ahaa Afhayeenka Guud Ee Boliiska Somaliland kaasoo manta ku
geeryoodey Magaalada Hargeysa

Taliyahan Boliiska Sanaag oo khadka telefoonka nagula soo xidhiidhay
ayaa wuxu yidhi
“Anigoo ku hadlaya Afka Ciidanka Boliiska G/Sanaag iyo Afkaygaba Waxan
Tacsi tiiraanyo leh Guud ahaan Qaanka Somaliland, Gaar ahaan
Ciidammada Boliiska Somaliland, Eheledii, Qaraabadii iyo Qoyskii uu ka
geeryoodeyba ka tacsiyadaynayaa Geerida ku timid G/le-C/laahi Xasan oo
ahaa Afhayeenka Guud Ee Boliiska Somaliland kuna geeryoodey manta
Magaalada Hargeysa”. “Waxan Marxuumka Eebbe uga baryayaa inuu jannadii
farduusa ka waraabiyo innakana Samir iyo Iimaan Innaka siiyo”.

 

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News