Saxilnews.com
Talayaha Saldhiga Faarax Oomaar Burco oo noqday taliye u adeega Muuse Biixi iyo Adeerkii Maxamed kaahin,Baalmarayna sharciga dalka u yaal. Burco
April 14, 2015 - Written by admin

Taliyaha Saldhiga Faarax Oomaar khadar Faarax ayaa Noqday taliyaha khaaska ah ee uu laayahay Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Muuse Biixi cabdi,waxaanu taliyahani ahaa Taliyihii sida sharci darada ah ku xidhay qaar ka mid ah wabaahinta Gobolka Togdheer iyagoo doonaya inay wax ka duubaan dareenkii dhabta ahaa ee yaalay Maalintii uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye weftiga ku yimi Magaalada Burco waxa kale ee uu maalintaas xidhay isagoo ku raali galinaya Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi dhalinyaro dareenkooda si salmi ah ugu muujinayay Fikirkooda,sidoo kale waxaa iyana dadwaynaha reer Burco iyo waliba Kuwa Gobolka daad madheedh ku war heleen isagoo taliyahaasi uu weftga u raacay Gobolka Daad madheedh oo ay ku suganyihiin Boolis u gaar ahi. Hadaba Taliyahan oo ay isku jifo Hoose yihiin Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga kulmiye ayaa si cad u baal maray dhexdhexaadnimada looga baahanyahay Booliska iyo waliba ilaalinta sharciga taas oo isagoo aan wax sharci ah u haysan inuu qabto warbaahin shaqadeeda Gudanaysa uu si cad u weeraray qaar ka mid ah warbaahinta isagoo ku raali galinaaya Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku ku xigeenka Xisbiga Kulmiye, sidoo kalena waxaa wax lala yaabo ah inuu Gobol kale oo ka baxsan Gobolka uu askariga ama sarkaalka ka yahay uu u raaco weftiga.

Wariye Mukhtar Farax Xasan

Burco /Somaliland

COMMENTS
Latest News