Saxilnews.com
TACSI GUDDOOMIYAHA KULMIYE
March 30, 2015 - Written by admin

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, wuxuu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka, qaraabada, Golaha Baarlamanka, bahda waxbarashada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xildh/prof. Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo maanta (30/03/2015) ku geeriyooday magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Marxuum Maxamed Barkhad Miigane waxa uu door wayn ka soo qaatay dhismaha waxbarashada sare, dib-u-dhiskii iyo nabadayntii dalka, isaga oo ka mid noqday xildhibaanadii u horreeyey ee loo soo xulay Golaha Wakiillada oo uu ilaa hadda xubin ka ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu Marxuumka naxariista janno ka waraabiyo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan inaga siiyo Aamiin.

ALLAH                 MAHAD             LEH

 

Mustafe Iid Maxamed

Agaasimaha xarunta Dhexe ee xisbiga KULMIYE

COMMENTS
Latest News