Saxilnews.com
Taariikh Nololeedkii Abwaan Maxamed Xaaji Cabdi Dhuule (abwaan loodh)).W/Q:Cabdiwahaab Cismaan Toox.Qaybtii 2aad
April 22, 2015 - Written by admin

GABAYGII JIRDE GOOYE (ABWAAN LOODH) Gabaygan oo abwaanku u tiriyay mujahidiintii snm,ayaa wuxuu ahaa gabaygani gabayadii ugu wanagsanaa ee loo tiriyo waagaas mujaahidiintii snm,gabaygan oo isugu jira taak tikada loo dagaalamo,amaan iyo duco ayaa waxaa erayadiisii ka mid ahaa sida tan:

.
GABAYGII JIRDE GOOYE

• Jirde gabay hadaan yuusufow, jiinka ka higaadsho.
• Oo aan jalbeebtiyo u dhigo, jiqilka miidaanka.
• Dadka waxaan juhuulada ahayn, wan ka jeel tiriye.
• Ka jamrada jamaamiyo murtida, jilib ha geeyeene.
• Jabahadii gumaysiga jirribay, jaanisna u hele.
• Dalku wuxuu jibaaxaba, hadaa juu la soo yidhi.
• Waa kaa qarkiisii jafmuu, soo janjeedhsaday.
• Isagaa jawaan uu gurtiyo, jeega laasimay.
• Isagaa jidhiidhii dalkiyo, jaray agoomaa.
• Isagaa jasaa’iga dhigtoo, jaxarku waw kow.
• Jambal tuurimahayaan, hadii jeelkii loo dhacay.
• Jaho jaho hakala yeelatee, jaala badan toogta.
• Jambal baa ayaamahan dhintee, janano soo sheega.
• Jeegaantu haynaga tagtee, jilicsanaan diida.
• Waa idin jareexaynayaaye, jeedalka u badiya.
• Juuqdaba ha daayee, rasaas jawda kaga saara.
• Jeegada ha leex leexiyee, jiilka ku adkeeya.
• Waligiiba jiida ha hayee, jixin jixa u diida.
• Idinkoon jabaad badan lahayn, jaran jaraa dhaafa.
• Jiqda dirira jeestada xarbiga, jidadka miineysan.
• Jar ka gudubka jaajuur ganbiga, jabada baabiinta.
• Jirca gubista jeeraar banana, jeego ku xabaalka.
• Jindhal orodka jaan dhowrashada, juubo dhalan dhoolka.
• Jilaaf socodka jidib goobashada, jugo wax gaadhsiinta.
• Jigta qoriga jaaraha madfaca, jiibabkiyo baaska.
• Allahayow injineerada kacow, jiiri arwaaxiina.
• Allahayow dalkaa idin jantee, haydin kala jeedin.
• Allahayow jihaadkaad gasheen, idinku jeedaali.
• Allahayow jirraha qaadatee, haydin soo jabin.
• Allahayow waxaan idin jeclayn, jiifi calankooda.
• Jundulaahibaa inala socdoo, jawhartaa taline.
• Annagana jidh kaga dhaadashiyo, jiibta nagu eega.

Tixraac:

• Maxamuud guhaad xuseen.

• W/Q:Cabdiwahaab cismaan toox.

Abdiwahaab888@gmail.com

0634139709

COMMENTS
Latest News