Saxilnews.com
Suudaani 3-Sanno Dacwad Kula Jirey Nin Reer Somaliland Ah Oo Lacag Nus Milyan Ka Badan Kasoo Dhacay Oo Cabasho Ka Muujiyay Masuul Guddida Cadaaladda Ka Tirsan
July 25, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)-Fayaat Bariiri oo ah nin suudaani ah oo muddo saddex sanadood ah maxkamadda hargeysa ku dacwiyay nin reer Somaliland ah oo lacag Nus Milyan Dollar ka badan kasoo dhacay ayaa si wayn uga cawday cadaalad darro uu sheegay inuu kala kulmay fulinta gal dacwadeedkiisa, kadib markii sida uu sheegay guddidii dib u eegista ku samaynaysay xukunkiisa oo gabo gabo ka noqday maxkamadaha ay murug galiyeen isla markaana ay ooda ka qaadeen odayga dhalay wiilkaasi soomaliga ah iyo walaalkii oo xatooyadan qayb ka qaatay oo iyagu fakad ku jooga maamulka Puntland.

Fayaat Bariiri iyo asxaabtiisa oo xalay xafiiska wargeyska Foore nagu soo booqday ayaa si qoto dheer uga waramay cabasho uu ka sheegtay gabo gabada kiiskiisa oo ay saddex maxkamadood isaga xukumeen waxaana uu yidhi.

“Waxan Somaliland imid saddex sano ka hor si aan u qabto nin reer Somaliland ah oo isoo dhacay,ninkaasi oo muddo toban sanno ah nala shaqaynayay waxaanu isku ahayn dad walaalo ah , lacag amaano ahayd oo an dad u xawilnay oo aan isaga u dhiibnay ayuu naga xaday markaa aniga lacagtaasi waa lay qabsaday, waa lay xidhay oo dhib ayaa isoo gaadhay, markii aan somaliland nimid waxaanu sidanay warqado “INTERPOL” ah, waxaanu la kulanay wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Somaliland, waxaanuu noo sheegay in ninkaasi ugu yimid inyar ka hor wasaaradda oo uu sheegay inuu dalka maalgashi ka samaynayo laakiin nin wax soo dhacay maan moodayn ayuu nagu yidhi ee inuu yurub ka yimi ayaan moodayay, wasiirku waxa uu noo sheegay madaama aan sidanay warqad Interpol ah inuu na raacinayo ciidan oo uu ninkaasi noosoo qabanayo, waxa sidoo kale nasoo dhex galay sheikh Dirir,odayga dhalay wiilkaasi lacagta naga dhacay Cali Salaad iyo odayaal kale iskugu kaaya yeedhay, waxaanuu wiilkaasi aabihii dammaanad qaaday in waxii ay labadiisa wiil soo galeen uu bixinayo hadii ay ku cadaato  Axmed Cali Salaad iyo Maxamed Cali Salaad”.

Fayaar Bariir sida uu noo sheegay waxa lasoo qabtay oo la xidhay aabaha labadaasi wiil dhalay oo la yidhaa Cali Salaad Maxamed oo maxkamdda la saaray,, waxaanay saddexda maxkamadood ee kala sareeya ee Somaliland ay ku xukumeen aabaha iyo wiilashiisu inay lacagtasi bixiyaan balse waxa uu sheegay in laba jeer kiiskooda dib u eegis lagu sameeyey isla markaana dib u eegistii labaad uu gurrac galiyay nin kamid ah garsoorayaasha maxkamadda sare oo lagu magacaabo Cabdiqaadir kaasi oo uu sheegay inuu dhinac ka noqday kiiska isla markaana uu sii daayay odaygii dhalay wiilka soo dhacay Fayaat Bariir oo uu sheegay inuu ku sugan yahay oo uu wiilkiisa u fakad siiyay maamulka Puntland, waxaana uu ka codsaday xukumadda Somaliland in kiiskiisa hoos loo eego.

Waxa kale oo uu sheegay inuu gabi ahaanba xidhayo hotel uu ka furtay magaalada hargeysa oo shaqaynayay intuu uu kiiskiisu maxkamadda ka socday isla markaana uu dalkiisa dib ugu laabanayo.

Fayaat Bariir waxa uu ka mahad sheegtay dhamaan shacab waynaha reer Somaliland, xukuumadda iyo masuuliyiinta maxkamadaha Somaliland oo uu sheegay inay si cadaalada ula shaqaynayeen waxana uu yidhi Fayaat Bariir.

“Intii aan dalka joogay waxaan kala kulmay shacabka reer Somaliland, xukumadda, masuuliyiinta maxkamadaha,culimada dalka iyo saladiinta soo dhawayn fiican oo aad u meeqaam saraysay oo aanan ilaawi doonin isla markaana aan kula laabanayo dalkaygii Suudaan, waan xidhayaa hotel kii aan hargeysa kulahaa, madaama oo uu kiiskaygii gabagaboobay, waxaan alle ka baryayaa inuu xaqaygii iiga soo celiyo ninkii I dhacay oo runtii ka baxay Somaliland isla markaana la sheegay inuu ku sugan yahay mamulka Puntland, cid aan wax u haya ma jiraan, waxan si gaara halkan uga mahadnaqayaa gudoomiyayaasha maxkamadaha, sida maxkamada gobolka maroodi-jeex iyo gudoomiyaha maxkamadda sare oo aanan ilaawi doonin waxii uu ii qabtey iyo sidii uu u dar dar galiyay dacwada oo in badan hortii maxkamadda dhex wareegaysay balse markii uu maxkamada sare yimid uu hawlihii maxkamadda sare oo dhan wax wayn ka badalay kana qabtay”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Fayaat Bariir oo ah nin suudaani ah.

 

 

Xigasho Foore

COMMENTS
Latest News