Saxilnews.com
SULDAANKA GUUD EE BEELAHA SUBEER AWAL SULDAAN XASAN SULDAAN CABDILLAHI OO RAALIN GALIN KA BIXIYAY WEEDHO KAFTAN AH OO MADAL CALEEMA SAAR UU KA JEEDIYAY OO LA MIXNADEEYAY
January 14, 2018 - Written by editor

Hargeysa (saxilnews.com)-Suldaanka Guud ee Beelaha subeer Awal Suldaan Xasan suldaan Cabdillahi Suldaan Diiriye ayaa raali galin ka bixiyay hadal kaftan ah oo uu ka jeediyay fagaare lagu caleema saarayay garaad ay yeelan doonto Beesha Reer hindood ee bariga burco, 

Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi ayaa sheegay in hadalkiisaas oo kaftan fagaareed ahaa la mixnadeeyay loona bedelay qaab aanu odhan oo khaldan waxaana Suldaanku bartiisa facebooka soo dhigay qoraal kooban uu kaga raali galinayo Bulshada sida khaldan loogu dhigay isaga oo jawaab cadna ka bixiyay ayaa waxa uu udhignaa qoraalkiisu sidane halka Hoose ka akhriso”

“BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM SCW Salaanta islaamka kabacdi GUUD AHAAN Shacbiweynaha reer somali land gudo iyo debadba waxaan karaali galinayaa raali galin buuxda hadalkii maanta khudbadii burco aan kajeediyay oo turjumaad khaldan lagu tafsiiray sixun wax usheeg sixir kadaran runtii hadalkani waxaa uu daba socday hadalo kaftana ilmaadeertu way kaftamaan caawa fiidkii waxaa igu soo dhacay kumanaan telefoon oo dad wax garadi gudo iyo debadba igala soo xidhiidheen talo iyo war soomalidu waxay tidhaa war lahelyaa talo la hel cidii uu carabkaasi muday suldaanbaan u ahay waxaan kashaqeeyaa walaalayntooda midnimadooda hadiiba meel ay wax ka dhacaan gogashaydu waa duubantay oo nabadaan kashaqeeyaa ugumana talo galin in maatada lagu dhextuuro weedho kaftan kubaxay sidaa daraadeed waxaan umada ku wargelinayaa inay sidaa kubiyo cabaan raali galintaasi sixid unoqoto soomaali land idaylkeed waa walaalo xiligii tartankiina waa dhamaaday waxaan kuboorinayaa isku duubni midnimo walaalnimo alaa mahadleh

COMMENTS
Latest News