Saxilnews.com
Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer-Awal Oo Baaqii Ugu Adkaa Soo Saaray Iyo Ujeedada Fariinta Uu Xambaarsan Yahay
November 5, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews):- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa soo saaray baaqiisii ugu adkaa ee ku aadanaa xiliga doorashadda waxaanu ugu baaqay taageerayasha xisbiga Kulmiye mudada ka hadhay Olalaha Xisbiga kulmiye ee Birto iyo Maalinta khamiista in ay muujiyaan isku soo baxii ugu waynaa,

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa Taageerayaasha kulmiye ka dalbaday goob kasta oo ay joogaan inay muujiyaan Cududooda Taageero labada ayaamood ee xisbiga uga hadhay isku soo baxa ee Caawa ka bilaabmaysa. Dhinaca kale waxaa uu bulshada taageerta xisbiga kulmiye ku adkeeyay adkaynta nabada halka uu suldaanku gabagabadii uu duco hawadda u mariyay dhamaanba bulshadda reer Somaliland waxaanu eebe ka baryay in ay doorashadu inoogu dhamaato guul iyo liibaan insh-allaah

COMMENTS
Latest News