Saxilnews.com
SULDAAN MAXAMED OO GAASHAANKA KU DHUFTAY SHIR UU BEELAHA CIIDAGALE UGU BAAQAY BOQOR RAABI
April 15, 2015 - Written by admin
“Boqor Raabi Shirka iyo ducada uu sheegay isaga iyo xisbiga uu ka tirsan yahay ee waddani ayuu ku kooban tahay waxbana kama jiraan” Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir

Hargaysa (Saxil News.com)-Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ah Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo sheegay inuu qabanayo shir ducu ah oo ay beeshu isgu iman doonto, waxaanuu suldaanku sheegay in aan ay waxba ka jirin shirkaasi oo ay ku kooban tahay isaga iyo xisbiga uu ka tirsan yahay ee Waddani isada uu hadalka u dhigay.


0, 0); font-family: ‘Open Sans’, sans-serif; font-size: 15px; line- 28px; text-align: justify;”>Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo khadka Telefoonka ugu warramay wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu hadalkaasi ku tilmaamay mid aanuu waxba kala socon, isla markaana shirka beesha loo xil saaray guddi soo dhamays tiri doonta.

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Ninkan la yidhaahdo Raabi jiilaal, waxa uu leeyahay waxaan qabanayaa shir beesha ah, waxan uu leeyahay shir ayaan beesha ugu ducaynayaa anigu waxba kalama socdo, wax alleiyaale wax war ah oo aniga iga soo gaadhayna ma jirto, Ducada waddani ka soo rartay halka uu geynayo isaga ayaa og, arrinkaasna waan ka jawaabayaa oo waxba kama jiraan waxbana kama ogi, arrinkaas iyo ducadaasna waxba kama jiraan waxbana kalama socdo haba yaraatee, isaga ayey ku keli tahay iyo xisbigaas uu ka tirsan yahay ee waddani, meesha ay beeshu isugu imanaysana guddi ayaa loo saaray oo arrintaas ka shaqaynaysa, iyaga ayaana dhamays tiri doona”

 

COMMENTS
Latest News