Saxilnews.com
SUCUUDIGA OO HAKIYEY DUQEYMIHII UU KA WADAY DALKA YEMEN IYO DAGAALKII XUUTIYIINTA WADANKAASI
March 30, 2015 - Written by admin

Jidaha (Saxil News.com)-Afhayeen U Hadlay Milateriga Dalka Sacuudiga General Ahmed Asiri Oo La Hadlay Warbaahint Ayaa Sheegay In Muddo Labo Saacadood Ay Joojiyeen Weerarada Cirka, Sababo Ku Aadan

Cadan (HWN):- Dawlada Dalka Sacuudiga Ayaa Sheegtay In Waqti Kooban Ay Joojineyso Duqeymaha Ay Ka Wado Dalka Yemen, Kaasoo Ka Dhan Ah Jabhada Xuutiyiinta.

Afhayeen U Hadlay Milateriga Dalka  Sacuudiga General Ahmed Asiri Oo La Hadlay  Warbaahint Ayaa Sheegay In Muddo Labo Saacadood Ay Joojiyeen Weerarada Cirka, Sababo Ku Aadan Dalka Pakistan Oo Muwaadiniintiisa Kala Baxaya Yemen.

Maraakiib Ay Leeyihiin Pakistan Oo Ku Soo Xirtay Cadan Ayaa La Sheegay Inuu Daad-Gureynayo Muwaadiniintiisa Ku Sugan Dalka Yemen, Iyadoo Pakistan Ka Mid Yahay Isbaheysiga Sacuudiga Hogaaminayo Ee Weerarada Ku Qaaday Jabhada Xuutiyiinta.

Sidoo Kale Dowladaha Hindiya Iyo Shiinaha Ayaa Iyana Boqolaal Ka Mid Ah Muwaadiniintooda Kala Baxaya Dalka Yemen.

 

Dhinaca Kale General Ahmed Asiri Ayaa Sheegay In Guulo La Taaban Karo Ay Ka Gaadheen  Duqeymaha Ka Dhanka Ah Xuutiyiinta Ayna Bur Buriyeen Saldhigyo Milateri Oo Ay Xuutiyiinta Ku Lahaayeen Sanca, Sacda, Hudeydah, Waxaana Uu Intaa Ku Daray In Gantaalo Ay Lahaayeen Xuutiyiinta La Bur Buriyay.

berbera2002@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News