Saxilnews.com
STAR-TV OO QOYSKA MADAXTOOYADDA UGACAN GALAY, AGAASIME XAMSE BULBUL IYO WARIYEEL ISKAGA DAREERAY
November 21, 2015 - Written by admin

Hargeysa (SAXILNEWS)_Wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Siiraanyo ee Baashe Cawil ayaa u tafaxaytay sidii uu talafishanka Star-tv ee madaxabanaan uga dhigi lahaa mid u guulwadeeya xukuumadda.Siday suxufiyiin madaxbanaani Haatuf u sheegen ,Baashe Cawil oo sida la sheegay ay hawshan ku weheliyaan Marwada Kowaad ee Aamina Waris iyo hoggaanka xisbiga Kulmiye,ayaa mulkiilaha Star tv u soo bandhigay in hadii ay hayaddiisa warbaahineed wada joojiso wararka, waraysiyada iyo barnaamijyada xambaarsan dhaliilaha maamulka Siiraanyo ama murashaxiinta xisbiga Kulmiye markaasi la siin doono qandaraaska mukhales-nimada badeecadaha ka soo degi doona dekadda Berbera marka dhawaan lagu wareejiyo Shirkad Imaaraat-ka laga leeyahay.

somali-star-tv-300x225

 

Dhinaca kale Agaasimihi telefishanka STAR Xamse Bulbul iyo qaar ka mid weriyeyaashii Star tv ugu caansanaa ay shaqadi iska-casileen ka dib markii ay la noqon weyday inay mihnadoodii suxufinimo iyo sharaftoodi qofnimo ay danbi ka galaan.

 

 

Qoyska madaxtooyada iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo lagu tilmaamo inay iskaga mid yihiin cabbanaanta ay ka muujiyaan dhaliisha kaga timaadda saxaafadda ayaa la filaya inay qaadaan talabooyin kale oo lagu aamusiinayo laba wargeys oo iyagu wali ka madaxbanaan awooda madaxtooyada.

 

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News