Saxilnews.com
SOOMAALIYA WAXAY U DHEXAYSAA ALSHABAAB DIIMEED IYO ALSHABAAB SIYAASADEED!
January 9, 2018 - Written by admin

Muqdisho (Saxilnews.com)-SOOMAALIYA WAXAY U DHEXAYSAA ALSHABAAB DIIMEED IYO ALSHABAAB SIYAASADEED!

Xafladii maanta uu xilka ku wareejinayay Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Abdi Faarax Juxa waxa uu yiri: Soomaaliya waxaa kajira labo kooxood:

1. Koox wadaado ah oo hadii aad ka fikir duwanaato KU GAALAYSIINAYSA (Alshabaab)!

2. Koox madax ah oo hadii aad ka fikir duwanaato ku dhaheysa QARAN DUMIS AYAAD TAHAY (Kooxda Nabad iyo Nolol ama Geeri iyo Guluf Colaadeed hadba sida aad u taqaano)!

Haddaba, sida aad la wada socotaan, Soomaaliya horay waxaa uga jiray koox aaminsan fikir gaalaysiin ah (TAKFIIR DIINI) oo dadka diinta inta ka saarta kadibna dhiigooda iyo maalkooda banaysta!

Kadib doorashadii 8 February 2017 Soomaaliya waxaa kusoo siyaaday koox cusub oo aamisan fikir ku dhisan gaalaysiin siyaasadeed (TAKFIIR SIYAASI) oo dadka inta ku shaabadeeyaan QARAN DUMIS kadibna dhiigooda iyo maalkooda banaysta!

Taas oo micnaheedu yahay, in Soomaliya u dhaxayso labo Alshabaab. ALSHABAAB DIIMEED IYO ALSHABAAB SIYAASADEED!

Hon. Mahad Salad

-1:38

COMMENTS
Latest News