Saxilnews.com
Somaliland Shalay iyo Maanta
May 11, 2015 - Written by admin

Somaliland waa dal yar oo ku yaal  geeska Africa Waana  dal ka badbaaday dhibaatada colaadaha dabada dheeraaday ee badiba aafeeyey wadamada gobolka .
Waa dal xasilooni iyo nabad geliyo taam ah haysta.
Somaliland hadaba bal hadii aynu dib u yar milicsano Somaliland iyo taariikhda waxay soo martay iyo halkay maanta joogto , inaga oo aan ku soo koobi karayn hal iyo labo eray, hadaba bal aan is yar dul taagno oo aanu ka soo qaadano halkay somaliland ka soo bilaabantay iyo halkay maanta marayso iyo halka ay beri higsanayso .

Iyada oo Somaliland madaxbanaanideeda ay la soo noqotay sanadkii 1991-kii ayaa madax banaanidaasi waxay ahayd mid ay Somaliland hore u heshay sanadkii 1960-kii ka dib 80 sanadood oo ay Somaliland ku hoos jirtay gumaystihii reer galbeedka, gumaysigaas oo bilaabmay markii ninka cadaan ka ahi ka soo degay Africa ka dibna isku xeeray oo gebi ahaanba qaarada.

Hadaba 1885 ayey ahad markii dadka somalidu ay u kala safteen amaba u kala qabsameen shan qaybood , Qaybintaas oo sal looga dhigay deegaankii iyo dhaqan wadaagtii midba midka kale uu la lahaa sidoo kalena ay ahayd qorshe ay gumaystayaasha reer yurub ku kala qaybsadeen degaanadii somalida oo ayna markii horeba jirin dawlada ka dhaxaysay keliya ahaa dad Somalia, hase yeeshee ay jireen meelaha qaar sidaan taariikhda ku maqlayno ay jireen wakiilo meelaha qaar ku sugnaa oo meetelayey boqortoyadii cusmaaniyiinta  xiligaasna waxa aas aasmay dawlada maanta aynu hoos hadhsanayno ee Somaliland .

Qormadii 1aad……….lasoco qeybta danbe

W/Q: Hassan Mohamoud Ismail

Hargeisa-Somaliland
Email:Hassanyare1990@gmail.com
Tell: 252633430000

COMMENTS
Latest News