Saxilnews.com
Somaliland Oo Sheegtay In Ay Xabsiga Dhigtey Wiil Dhawaan Laga Soo Musaafuriyey Dalka Imaraadka +Sababta 
June 16, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Dawlada Somaliland waxay sheegtay inay Xabsiga dhigtay Ismaaciil Cumar oosheegtay in tartanka Quraanka ee Imaaraadka looga soo saaray, Go’aanka Soomaaliya ee arrinta khaliijka darteed.

 

Waxaana sidaasi sheegay Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka AMB Baashe Cawil waxaana uu tilmaamay in ciidamadu ka qabteen wiilkan airport ka Hargeysa, isagoo u socda Qadar, wuxuu sheegay in ay baadhitaan lagu hayo .

AMB Baashe Cawil oo arintani ka hadlaya waxaa uu yidhi “Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaarada Diinta & Awqaafta ma ogeyn, xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamu soo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah.

Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeybgalka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah wadamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey gebagebadii sidii qorshahu ahaa waa la soo celiyey inta abaalmarintii helay la siiyey.

Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku guuldaraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u bedeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta, nasiib wanaag, maanta ayey ciidamada amaanku ku qabteen madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar.

Ciidamada Amaanku xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan,markuu u dhamaadana, iyagaa faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay, xaqiiqada qorshahiisana bulshadu way ogaan doonaan” Ayuu AMB Baashe Cawil

COMMENTS
Latest News