Saxilnews.com
Somaliland Oo Hada Ka Hadashay Xaalada Dagaal Ee Ka Soo Curatay Deegaanka Bariga Ee Xadka La Ah Puntland
January 8, 2018 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com)-Wasiirka warfaafinta somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax Guri-barwaaqo oo ku hadlayey afka xukuumada somaliland ayaa mar dhawayd xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in somaliland ay dar dar weyn galisay ciidamadeeda ku sugan deegaanka Gambadha oo wax yar u jirta caasimada maamul goboleedka Puntland ee garoowe kaasi oo sheegay in aanay marnaba somaliland u dul qaadan doonin fara galin lagu sameeyo xuduudaheeda waxa kale oo uu sheegay in aanay ciidankeeduna gardaro samayn doonin balse cid kasta oo faro galisa ay iska celin doonaan.

Geesta kale waxa uu wasiirku sheegay in aanay madaxwaynaha somalia Mudane Maxamed cabdulaahi Farmaajo ka ogolaan doonin in uu soo galo xuduudaha somaliland kaasi oo wasiirku sheegay in wixii ka soo kordha xaaladaas dagaal uu gadaal ka soo sheegi doono hase ahaate aanu xusin wax khasaare ah.

 

Hargaysa Desk

COMMENTS
Latest News