Saxilnews.com
Somaliland hadda ayuunbay baraarugtay.
January 31, 2017 - Written by admin

Qodaalka beeruhu, waa dhaqdhaqaaqii  ugu da’da waynaa uguna qaalisanaa  ee  Aadamigu ka qabto  dunida korkeeda, sababtoo ah waxaa loo baahanaa  in cunto lasoo saaro. Somaliland  sanadahan dambe  ayay caadi ugu baraarugtay  in ciiddeeda hodanka ah ay cunto ku beerato.

Wasaaradda beeraha oo dhaqaale ka helaysa  Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, ayaa dalka kawadda mashaariic kaladuwan oo kor loogu qaadayo wax soosaarka beeraha. Mashaariicdu, waxa ay isugu jiraan daryeelka iyo joojinta carrada, qabashada  biyaha, dhismaha  xarumo cilmi baadhiseed  iyo goobo lagu tababaro beeralayda.

Safar xog raadin ah oo qayb ka ahaa tababar  uu Sanduuqa  SDF u furay saxaafadda dalka si aqoontooda kor loogu qaado, ayaannu 9kii bishan January ugu baxnay aniga iyo koox suxufiyiin ahi  deegaanka  Abu-Riin  oo 35km koonfur  galbeed kaga beegan caasimadda Somaliland ee Hargaysa. Markii deegaanka aannu gaadhnay waxaannu mid-mid  isu dul taagnay goobaha mashaariicda laga wado, waxaana warbixino faahfaahsan naga siiyay saraakiil ka socdtay wasaaradda beeraha iyo SDF oo deegaanka  ku sugnaa.

Abu-Riin, waa  deegaan ku habboon beeraha,  buuro aan aad u dhaadheerayn ayaa saddex jiho kaga wareegsan, waana barta uu ka soo bilaabmo dooxa wayn ee dhex mara  magaalada Hargaysa. Xarun taariikh ah oo tababarka iyo  cilmi baadhista beeraha  lagu sameeyo, ayaa kutaalla. Dadka ku dhaqan deegaanka Abu-Riin oo beeralay  iyo xoolo dhaqato u badan ma beeri karaan dalaggii looga  baahnaa  dhulkan carro-sanka ah, waayo waxaa hortaagan caqabado ay ka mid yihiin biyo yari iyo nabaad-guur ka dhashay daadadka xooggan ee xilli roobaadka ka soo rogmada buuraha ku xeeran  oo xaalufiyay carrada lakabkeeda  sare  ee dalagga lagu abuuro, dhirtuna ay nafaqada ka hesho.

‘’ Si xal loogu helo caqabadaha jira loona dhiirri geliyo wax soosaarka beeraha Sanduuqa Horumarinta Somaliland, Waxa uu maal gelinayaa mashaariic isugujirta ;  qoditaanka  38,000 godad kala hooseeya oo lagu wareejinayo buuraha si  loo dhimo xoogga  biyaha kasoo rogmanaya;  godadkaas  12,000, ayaa la dhammaystiray halka inta kalena gacanta lagu hayo. Daadegga hoose, waxaa laga qodayaa moosas hakinaya biyaha soo dhaafa godadka buurta intaanay beeraha gaadhin, waxaa kale oo la qodayaa 28 balli oo la dhammaystiray 16  kamida iyo 12 berkedood oo dhammaantood lagu kaydinayo biyaha .680 beerood, ayaannu  u qodnay godadka loo yaqaan naxarada ’’ sarkaal  Ka socda wasaaradda beeraha Somaliland  oo deegaanka ku sugnaa  ayaa sidaa noogu xog waramay.

Sarkaalkan oo lagu magcaabo Maxamed Daahir Warsame, ayaa intaas kudaray ‘’ In gebi ahaanba aannu joojinno biyaha soo mara dooxa  Hargaysa, ayaannu  isku dayaynaa oo dadka looga faa,iideeyo’’.

Xarunta cilmi baadhista beeraha iyo tababarka beeralayda  ee Abu-Riin Training Center oo la aasaasay waagii Ingiriisku xukumayay  Somaliland, ayaa  25 sanno  kadib lagu sameeyay dibu- dhis iyo qalabayn. 18 kamida shaqaalaha wasaaradda beeraha ee gobolada dalka, oo tababar lagu siinayo sida wax loogu beero dhulka qallalan,  ayaannu xarunta ku booqanay xilli macalin xiisad u sharaxayo.
‘’  sidii ay tababarro ugu fidin lahaayeen  beeralayda dalkoodhan, ayaa loo diyaarinayaa dhalinyaradan’’  maamulaha xarunta, ayaa sidaa noo sheegay.

Dhinaca kale bulshada deegaanka, ayaa mushruucan ku sifeeyay mid waxbadan ka bedelaya noloshooda, waxaana ay rajaynayaan in loo dhammaystiro.

 

Inkasta oo masuuliyiintu aanay noo xaqiijin qiimaha ku baxaya, hadana mashruucan waxaa lagu waddaa in uu tusaale u noqdo koboca wax soosaarka wadanka.

COMMENTS
Latest News