Saxilnews.com
SOMALIA: QARAX KEENAY DHIMASHO IYO DHAAWAC OO KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO
December 31, 2017 - Written by editor

Muqdisho:-(saxilnews) Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay. Qarax subaxnimadii hore ee saaka magaalada Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu Aasay ayaa lagu weeraray ciidamada marayay Waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu ku dhintay Hal Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ilaa saddex kalana ku dhaawacmeen

COMMENTS
Latest News