Saxilnews.com
Somaaliya Oo Ku Dhacday Godkii Ay U Qodday Somaaliland (Qaybta 3aad) Qalinkii Xassan Cumar Hoorri
March 24, 2018 - Written by indho indho

Hargeisa(Saxilnews.com) Saturday, March 24, 2018 08:22:33
Hasha Labada Geel Jecel Dhexdoodaa Dhurwaa Ku Cunaa

Qormadii hore, waxaa aan ku qaada-dhignay, laba-canlaynta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre taasoo ay keentay bisayl-darro siyaasadeed. Xukuumadda Somaaliya waxaa ay dan moodday in ay isku waddo dhinacyada lidka isku ah ee Imaraatka iyo Qadar. Somaaliya mawqif dhexe ayay iska taagtay dirirta dalalka Gacanka Carbeed (Khaliijka). Hase ahaatee, “dhexdhexaadnimo” ayaa ah arrin aan ka shaqayn dunida maanta. Sidaa darteed, hal-ku-dheggii Madaxweyne George Bushka yar ayaa ahayd, “Ama annaga ayaad nala jirtaa, haddii kale annaga ayaad naga jirtaa”.

 

Xilligan, waxaa dunida ka aloosan siyaasad dhooqaysan iyo loollamo iska soo wada horjeeda. Runna waxaa ah in aan lagu badbaadayn “dhexdhexaadnimo”, balse,  ciddii mawqifkaa istaagta, hal
 

COMMENTS
Latest News