Saxilnews.com
Soddon sano ka dib, saamaynta ay Soomaalidu ku yeelanayso go’aannada siyaasadeed ee Maraykanka
November 9, 2018 - Written by editor
Ilhaan Cumar waxay tagtay Maraykanka ayadoo 12 jir ah, waxayna iminka noqotay soomaaligii ugu horreeyey ee Kongareeska galaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionIlhaan Cumar waxay tagtay Maraykanka ayadoo 12 jir ah, waxayna iminka noqotay soomaaligii ugu horreeyey ee Kongareeska gala

Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalka Mareykanku wuxuu noqday mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee ay ku hirtaan dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed, laakiin kuma ekaanin deegaan kaliya ee xitaa waxay saameyn xoog leh ku yeesheen arrimaha siyaasadda ee dalkaas.

Muddo ku dhow 30 sano ayaa hadda ka soo wareegtay markii ay dhacday dowladdii Soomaaliya, wuxuuna intaas dalku ku jiray qalalaase siyaasadeed iyo amni darro ay horseedeen dagaallo sokeeye, inkastoo ay soo mareen dowlado kala duwan oo ay ugu dambeyso midda federaalka ee hadda ka jirta.

Balse tan iyo sannadkii 1991-kii waxay dadka Soomaaliyeed ku qulqulayeen dalalka caalamka, waxayna galaangal ku yeesheen arrimaha siyaasadda ee waddamada ay qaxootinnimada ku tageen.

Dalalka ay Soomaalida ka heleen fursadaha waxbarasho iyo xorriyadda ku lug lahaanshaha siyaasadda waxaa ka mid ah waddanka Mareykanka, oo ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed oo fara badan.

Maxamuud Nuur wuxuu ku guulaystay kursiga 60 BLahaanshaha sawirkaFACEBOOK
Image captionMaxamuud Nuur wuxuu ku guulaystay kursiga 60 B

Inta badan jaaliyadda Soomaaliya ayaa ku nool magaalooyinka kala duwan ee Gobolka Minnesota, halkaasoo ay ka hir galiyeen ganacsiyo, goobo wax barasho iyo masaajidyo.

Sidoo kale waxay qaybo kale ka deggan yihiin gobollada kale ee dalkaas.

Marba marka ka dambeysa bulshada Soomaalida ah waxay ku sii xoogeysaneysa go’aannada la xiriira arrimaha gobolka.

Doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ka dhacday 6-dii bishan Nofeembar ayay siyaasiyiin Soomaali ah, oo markii hore ka qaxay dalkooda, kuna koray Maraykanka, ka gaareen guulo ay ku soo jiiteen indhaha caalamka.

Ilhaan Cumar, oo iyadoo 12 sano jir ah qaxootinimo ku tagtay Mareykanka sannadkii 1995-kii ayaa noqotay gabadhii labaad ee abid iyadoo muslim ah ku biirtay aqalka Koongareeska Mareykanka, waxayna sidoo kale noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo darajadaas gaara.

Hodan Xasan waxay ku guulaysatay kursiga 62ALahaanshaha sawirkaFACEBOOK
Image captionHodan Xasan waxay ku guulaysatay kursiga 62A

Maxamuud Nuur, oo ah Soomaali Qaxootinnimo ku tagay mareykanka sannadkii 1999-kii ayaa doorashadan ku hantay kursiga golaha deegaanka ee 60B.

Sidoo kale Hodan Xasan, oo Mareykanka Qaxootinimo ku tagtay sannadkii 1999-kii ayaa noqotay xildhibaanka kursiga baarlamaanka gobolka Minnesota ee uu tirsigiisu yahay 62A.

Dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee da’da yar ayaa muujiyay saameynta ay dadka ka soo jeeda Soomaaliya ku leeyihiin siyaasadda waddanka dunida ugu tunka weyn ee Mareykanka.

Waxaa xusid mudan in guusha siyaasadeed ee Soomaalida ay timid xilli uu waddankaas majaraha u hayo madaxweyne Donald Trump, oo lagu yaqaanno siyaasado ka hor jeeda dadka soo galootiga ah ee qaxootinimada ku taga halkaas.

Booqasho uu Mr Trump ku tagay gobolka Minnesota ayuu ka jeediyay khudbad uu Soomaalida ugu eedeeyay iney yihiin dad faafiya xagjirnimada.

Laakin hadalkaas ayaan wax saameyn ah ku yeelanin hamiga siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaaliya, waxayna dad badan u arkeen inuuba sii xoojiyay awooddooda siyaasadeed.

Qaasim Busuri waxaa loo magacaabay madaxa golaha xuquuqda aadanaha ee St PaulLahaanshaha sawirkaFACEBOOK
Image captionQaasim Busuri waxaa loo magacaabay madaxa golaha xuquuqda aadanaha ee St Paul

Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa loo arkaa inuu sabab u yahay saameynta ay Soomaalida horay qaxootiga u ahaan jiray ku yeesheen siyaasadda dalkaas.

Guud ahaan xildhibaannada la doortay ayaa ku tartamayay oggolaanshaha ama tikidka xisbiga Dimuqraaddiga.

Marki laga soo tago xilalka Siyaasadeed ee Soomaalida loo doortay, waxaa jira shaksiyaad kale oo Soomaalida Mareykanka ah oo loo magacaabay xilal wax ku ool ah.

Waxaa ka mid ah Qaasim Busuri, oo dhawaan loo magacaabay madaxa howlaha xuquuqda aadanaha iyo u sinnaanta fursadaha ganacsiga ee magaalada Saint Paul, oo ka tirsan gobolka Minnesota.

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu Qaasim ku sheegay in xilkan uu u soo magacaabay duqa magaalada, uuna yahay fursad wanaagsan oo uu horumar ku gaarsiin karo arrimaha xuquuqda aadanaha iyo ganacsiga.

“Jagadan la ii magacaabay waxay ku saabsan tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda fursadaha ganacsi. Tusaale ahaan waxaan wax ka qabaneynaa cabashooyinka ku saabsan qofka xuquuqdiisa la duudsiiyo ama loo diido sababo la xiriira inuu midabkiisu madow yahay ama uu Soomaali yahay” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay iney baaritaanno ku sameyn doonaan falalka ku qotoma dambiyada iyo arrimaha qoysaska.

“Guddigeennu wuxuu ka shaqeynayaa inuu ka hor tago dhacdooyinka lidka ku ah xuquuqul insaanka iyo inuu si dhakhso ah wax uga qabto wixii dhaca, si markaas loola xisaabtamo maamulka magaalada”.

Dadka Soomaaliyeed oo meelo badan oo dunida ka tirsan qaxootinimo ugu hayaamay ayaa Jiilalkii ayagoo da’ yar qurbaha galay waxay iminka xilal siyaasadeed ka hayaan waddamo ay ka mid yihiin Canada, Yurub iyo Maraykanka

COMMENTS
Latest News