Saxilnews.com
Socod Barad Cali Mareexaan aflagaadada Uu U Gaystay Suldan Maxamed, Waxay Muujinaysaa Jaahilnimada, Indho-adayga Iyo Caqligiisa Madhan Ee Aan Xishoodka lahayn.
October 7, 2017 - Written by suxufi

Socod Barad Cali Mareexaan aflagaadada Uu U Gaystay Suldan Maxamed, Waxay Muujinaysaa Jaahilnimada, Indho-adayga Iyo Caqligiisa Madhan Ee Aan Xishoodka lahayn.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir Suldaan Cabdilaahi, waa suldaanka guud ee beelaha Somaliland waa shaqsi karaamo iyo ixtiraam inaga mudan, waa aabbe dhamaanteen inoo ah waalid wuxuuna inagu leeyahay sharaf dheeraad ah, waa Saldanad dheer oo taariikh wanaagsan ku leh bulshada Soomaaliyeed meel kastooy dagto, waa rukun adag oo dalkan ku taagan yahay waan aasaasaha iyo bud-dhiga nabada iyo barwaaqada aan ku naaloonayno oo ah qarankan Somaliland, wuxu intii dalkan jiray ahaa marjaca ugu wayn ee mar walba loo noqdo waana tiirka adag ee aynu ku taagan nahay.

Ma gayo cay, ma gayo aflagaado, ma gayo hadalo deel qaaf ah, ma gayo in lagu xad gudbo, wuxuuse gayaa in la maamuuso oo la karaameeyo loona qadariyo sharafta Alle ku karaameeyey, waa astaan xun, waa madow, waa mugdi, waa bar aan ka go’ayn kan ku hadaaqay aflagaadada aanu geedna ula soo gaban ee uu kula kacay Suldaan Maxamed, muu caayin oo kaliya muuse aflgaadayn oo kaliya wuxu se ku xad gudbay sharaftii iyo karaamadii uu gaarka u lahaa Suldaanku, tani maah mid ku kooban Suldaanka se waxay taabtay oo uu aflagaadeeyey dhamaanteen inta Soomaali sheegta si gaara inta uu Saldanada u yahay oo beelaha Somaliland oo dhan ah.

Cali Xasan oo lagu naanayso Mareexaan waa shaqsi umadda reer Somaliland oo dhami habaartay, waa waalid caasi aan ka xishoon waalidkii, waa shaqsi umadda oo dhami khaati ka istaagtay ilaa yaraantiisii, waa jaahil aan cilmi diineed iyo mid maadi toona lahayn, taariikh ahaan wuxu magaalada uga soo galay dhinaca miyiga gobolka Togdheer, inta noloshiisa ah wuxu ahaa dadka aan shaqaysin ee ku tamariya shaxaadka iyo qadhaabsiga jeebka qof kale, waxa u hiiliyey oo heerka maanta uu jooga soo gaadhsiiyey fursadna siiyey Adeerkii Madaxwayne Siilaanyo, waxaase uu ugu abaal guday in u umadii u wax ugu dhiibay ku noqdo tuug aan ka xishoon oo dhaca hantida dawlada iyo mid dadku gaarka u leeyihiinba, waxa u Cali ku caan baxay mudadaa uu xilka qaranka hayey musuqmaasuq, eex, qaraabo kiil iyo burburinta nidaamka dawladnimo isagoo cid walba ugu faana in u haysto awoodii Madaxwaynaha.

Astaamaha aan kor ku soo sheegnay ee uu Cali Mareexaan ku caan baxay waa sababta ku kaliftay in uu aflagaadeeyo oo uu cay aan geedna lagu soo gaban u gaysto Suldaan Maxamed, kama aha u kas laakiin waa garaadka iyo caqliga gaaban ee Cali Mareexaan in u aflagaadeeyo Suldaanka, ma garanayo meeqaamka uu ka taagan yahay Suldaanku, waa wax iska caadiya in aad maqasho Cali Mareexaan oo ku dhacdhacaya dadka ama aflagaadaynaya waayo waa mid ka mid ah astaamaha nololeed ee u ku tamariyo, tani waxay sharaf daro ku tahay Madaxwaynihii doortay ee umadda xilka ugu dhiibay waase la dhowri doonaa talaabada uu ka qaado caqli yare Cali Mareexaan taas oo bulshada Soomaaliyeed oo dhami ay ka dhur sugaysa ka fal celinta Madaxwaynaha ee aflagaadada Cali Mareexaan.

 

Abdirahman Ali

Hargeisa Somaliland

 

COMMENTS
Latest News