Saxilnews.com
Socdaalkii Madaxwayne Siilaanyo Shalay Ku Gaadhey Magaalada Berbera Iyo Waxyaabaha Ku Cusbaa+Sawiro
March 25, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews):-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayay ee shalay socdaalka ugu baxay Magaalada Berbera isla xalayna halkaasi u hoyday ayaa waxa bulshada Somaliland indhahooda hal mar soo jiiteen soo dhawayn aan la filayn oo halkaasi loogu sameeyey Madaxwaynaha iyo waftigiisa.

Waftiga Madaxwaynaha ayaa waxa markii ay gaadheen xadka u dhaxeeya Gobolada Maroodi Jeex iyo Saaxil waxa dadkii deeganadaasi ay ku qaabileen soo dhawayn iyaga oo lulaya calanka astaanta u ah xisbiga uu aas.aasaha ka ahaa ee Kulmiye.

Dhanka kale waftiga oo ayna la socon hogaanka Kulmiye ayaa sidaasi oo kale waxa Berbera loogu soo dhaweeyey Astaanka xisbiga Kulmiye taasi oo bulshada Somaliland is waydiisay sabata keentey in xiligan Madaxwaynaha lagu soo dhaweeyo calanka astaanta u ah xisbigii uu ka soo baxay ee Kulmiye,maadaama ay jirin wax ollale ama hawlo khuseeya xisbiga oo uu u socdey Madaxwaynuhu.

Inta badan bulshada reer Berbera oo lagu tiriyo bulsho mucaarid ku ah xukumada madaxwayne Siilaanyo ayaa shalay waxa is bedeley fikirkii laga qabey iyada oo dhanka kale ay ku so began tahay iyada oo la saxeexey heshiiska Imaaraatka loogu ogolaadey in Berbera ay saldhig milatari ku yeesheen.

Daawo Sawiro

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News