Saxilnews.com
Socdaalka Komishanka Ee Ceerigaabo Iyo Xiisad Ka dhalatay Magacyo Ay Siteen
March 14, 2015 - Written by admin

Ceerigaabo(Saxil News.com )  kaddib habeennimadii Xalayto oo  saddex xubnood
oo ka socdey komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ay soo
gaadheen magaalada Ceerigaabo ayaa waxa saaka bannaanka guriga martida
ee magaalada Ceerigaabosoo  buuxiyey dadweyne isugu jira dhallinyaro
hore u xeraystay codsaday shaqadan iyo qaar u diyaar ah imtixaan ay
nasiibkooda ka qaadaan, iyo weliba dad iyagu si gaar ah u danaynayey
aragtida hawl-wadeennada komishanka ak socdey oo ay u arkayeen inay
fekerkooda ka dhaadhicin kaayaan halka qaar wardoon ah iyo
saxaafadduna aanay meesha ka madhnayn.

Waxa xog-waraysigii bulshada dhexdeeda islamarkiiba bannaanka lasoo
dhigay warqad la sheegay inay komishanku siteen oo ay ku qoran yihiin
dadkii loo magcaabi lahaa komishanlka degmooyinka gobolka Sanaag oo
weliba liiskaas ay ku jiraan qaar ka mid ah  xubnihii komishankii hore
oo bulshadu iska daa wax ay u dhiibatee aanay xataa maqli karin iyo
rag loo tuhunsan yahay inay xidhiidh dhow la leeyihiin madaxtooyada
Somaliland dhexdhexaadnimadoodana aan lagu kalsoonaan karin.

Waxana taasi abuurtay kala shaki bulshada dhexdeeda ah iyo buuq iyo
xiisad samada isku shareertay. Waxana soo batay dadweynihii oo
warkaasi gaadhey waxa iyaguna gurigii komishanku degganaayeen yimid
Maayorka Ceerigaabo, Badhasaabka Sanaag iyo Weliba Madaxda ciidammada
kala duwan ee dawladda.

Kaddib markii komishanku ogaadeen fashilkii liiska magacyada iyo
inaanay marnaba bulshada u cuntamayn intooda badan shakhsiyaadka
warqaddaas ku qorani sidoo kalena shirar badan kaddib la isla qaatay
liiskaas in la laalo sidoo kalena ay soo baxday tibaaxda ah in saami
beeleed arrinta loo rogayo
Waxa iyaduna meesha soo gashay damac hor leh oo xagga dhallinyarada oo
jecel imtixaan aan loo kala soocin in la qaado, Xagga beelaha oo
iyagoo siyaabo kala duwan qaarba meel ka duulayaan balse ka siman
fekerka saami qaybsiga haddana ku kala aragti duwanaadey soo xulista
xubnahan oo beelaha qaarkood laga yaabo talo midaysan in ay kusoo
xulaan ciddii xubnaha uga qayb geli lahayd, qaarkoodna laga yaabo in
xaaladdoodu gaadho tartan iyo allow kii roon reerka u reeb halka ay
jiraan qaar iyaga aan hallaba u guntanayn talona ka urursanayn waxna
meel u ool halka saamiga ay ka geli doonaan iyo wax ay heli doonaanna
midnaba aan lasii saadaalin karin lagana yaabo wax ay hore u heli
jireen inay manta habaqlahan ku waayaan..

Waxa kale oo isasoo taray warar tibaaxaya in ilaa habeennimadii
xalaytoba uu jirey hirdanka (Campaign) siyaasadeed ee xubnahan loo
xulayo komishanka gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo.  Waxana Sidoo
kale saaka goobta ka maqnaa Afhaeenka komishanka Siciid Cali Muuse oo
xubnahan ka mid ahaa kaasoo la sheegay inuu waaberigii saaka u
ambabaxay booqashada qaraabadiisa oo ku nool degaannada Sanaag-bari

Sikastaba ha ahaatee waxa maanta baaqatay guda-galkii farsamo ee
xulashada xubnaha komishanka doorashooyinka gobolka Sanaag iyo Degmada
Ceerigaabo  iyadoo la filayo gelinka danbe ee manta in la guda geli
doono degmooyinka Dhahar iyo Badhan oo iyaga aan buuq badani ka
taagnayn. Waxana la eegi doonaa magcaabista komishanka ee  xubnaha
Gobolka Sanaag iyo Degmada Ceerigaabo iyo kalsoonida
dhexdhexaadnimadoodaba. Waxana hadal-haynta saadaasha suuqa ilaa hadda
wararka soo baxaysaa u badan tahay in Guddoomiyaha Komishanka Gobolka
Sanaag La siin doono Beesha Sanaag-bari.

 

berbera2002@gmail.com

Ceerigaabo// Office

COMMENTS
Latest News