Saxilnews.com
Siyaasi Maxamed Ismaaciil (Maxamed-Biid) Oo Ka Mida Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka Wadani Ayaa Maalitii Labaad Ku Xidhanka Saldhiga Booliska Gabiley
July 2, 2017 - Written by admin

Gabiley(Saxilnews.com)-Siyaasi Maxamed Ismaaciil (Maxamed-Biid) Oo Ka mIda Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka Wadani Ayaa Maalitii Labaad Ku Xidhanka Saldhiga Booliska Gabiley Magaalada Gabiley ,
Xadhiga siyaasi Maxamed Ismaaciil (maxamed-Biid) ayaa la sheegay In Uu ka Dambeeyo Maayirka Magaalada Gabiley Islamarkaana Uu Isagu Bixiyey Amarka Lagu soo xidhay masuulkaasi iyadoo aan loo soo marin sharciga balse si aan sharciga waafaqsanayn suuqa looga soo qabtay ilaa hadana ma jirto cid ka hadashay xadhiga masuulkaasi oo ilaa imika ku xidhan saldhiga dhexe ee magaaladaasi gabiley.
Dhinaca kale xisbiga mucaaradka wadani ayaan ilaa hada ka hadal xadhiga masuulkaasi ka tirsan xisbigooda.
Talaabadani uu qaaday maayirka gabiley ayaa noqonaysa cabudhin lagula kacay xisbiyada mucaaradka taasi o sida ay wararku sheegayaan uu dabada ka riixayo xisbiga kulmiye.
By Wariye Sakariye Nuux

COMMENTS
Latest News