Saxilnews.com
Siyaasi Caan Ah Oo Shaaciyay In Uu Ka Hadhay Tartanka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Magaciisa +  Sawiro
January 9, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews):- Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo horey u sheegay in uu u

tartamayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markan shaaciyay in uu ka tanaasulay in uu u tartamo Kursiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Image may contain: 1 person, text

 

Waxa uu sheegay Salaad Cali Jeelle in uu go’aansaday in uu tartanka ka hadho kadib markii uu arkay Musuq maasuq baahsan uu sheegay in doorashada ka dhacday gaar ahaan qaabkii Xildhibaanada lagu soo doortay.

Salaad Cali Jeelle ayaa xusay in aysan suurto gal aheyn in uu ka qeyb galo doorashada Madaxweyne ee dhaceysa, waxa uuna cadeeyay in Doorashada ay hareeysay Musuq maasuq iyo wax isdaba marin sidaa darteedna uu isaga hadhay tartanka.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa horey isugu soo sharaxay Jagada Madaxweynaha Soomaaliya sanadii 2012-kii, waxaan xusid mudan in Salaad uusan xiligaasi hal cod xitaa uusan ka helin doorashadii uu ka qeyb galay.

Waxaa sidoo kale la filayaa dhawaan in Musharaxiin kale ay tartanka isaga hadhaan kuwaa oon qaarkood soo buuxin karin shuruudaha iyo lacagaha la iska rabo, waxaana Musharaxiinta qaarkood ay ahaayeen kuwa magac kaliya ka doonayay in ay musharax yihiin.

COMMENTS
Latest News