Saxilnews.com
SIYAASI AXMED LIKE OO FARIIN SARBEEBAN HAWDA U MARIYEY GUDOOMIYAHA KULMIYE MUJ MUUSE BIIXI .
September 16, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews):- Siyaasi  Axmed Xassan Cali (Axmed Like) oo ka mid siyaasiyiinta xisbiga Waddani ku bahoobey ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey waxaaana madaarka ku soo dhaweeyey saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga Waddani .

 

Siyaasigan ayaa  markii salaan la dhex qaadey dadkii soo dhaweynaayey   waxaa uu la  hadley  warbaahinta waxaana  uu fariimo sarbeeban hawda u mariyey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi  Cabdi .

” Saxiibkey Muj. Muuse Biixi Cabdi waxaan leeyahay Muuse raga waxaad  dheereed ilaa qaaxo  waxaad dheered gobalka Saaxil balse maanta dheeran meysid , shacabka reer saaxilna waxaan leeyahay beelihii kale ee idinla midka ahaa shirkoodii wey qabsadeen si sharaf leh bey u qabsadeen ee idinkuna qabsada ” ayuu yidhi siyaasi Axmed Like

COMMENTS
Latest News