Saxilnews.com
SIXIRBARARKU HADDUU NOQON WAAYO ISTICMAALKA ZAADKA TELESOM MAXAA ISKA BADELI DOONA QORSHAHA LAGU AADIYEY EE SHIRKADU U ARAGTEY IN LAGU BARTILMAAMEEDSADEY(FAALLO)
March 15, 2018 - Written by editor

Hargeysa(saxilnews.com)-Waa dhab in Qeybaha ugu badan Bulshada Somaliland ee Gobolada Degmooyinka,Tuulooyinka iyo baadiyuhuba intooda ugu badani isticamaali jireen Adeega Zaad-Service ee Shirkada ugu Weyn Isgaadhsiinta Somaliland ee Telesom macaamiisheeda u sameysay si bilaa lacag ah in ay lacagaha isugu diraan Moobilka ay gacanta ka isticmaalaan.

Inkastoo,asal ahaanba Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom si dhab ah loo aasaasey islamarkaana, looga hirgaliyey dalka Somaliland sanadii 1999kii,waxa ay markii u horeysay ikhtiraacdey Adeega Zaad-service sanadii 2009kii bishii juun oo, ay ku daah fureen Caasimada Hargeysa,iyo Guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka dalka iyadoo  ay Shirkaddu macluumaad iyo barnaamijyo badan,u qabatey adeegan bilawgiisii,waxa kamid ahaa barnaamijyadii daahfurka Zaad-service kulano kadis su,aaleed  lagu weydiinayey Maamulka Shirkada Telesom isticmaalkiisa,hadii musuq yimaado,talaabooyinka lagaga badbaadi karo iyo su,aalo badan oo

ay aqoonyahanka,Ardeyda Dugsiyada iyo dhalinyaradu weydiiyeen horaantii kuwaas oo guud ahaanba dalka laga qabtey ha ugu badnaato Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Daraasado badan,oo ay Somaliland ka qaadeen sanadihii u dambeeyay,khubaro ajaanib ah ayaa lagu ogaadey in boqolkiiba sagaashan iyo dheeraad shacabka Somaliland, isticmaalo adeegan Zaad-Service ee lacag isku dirista Moobilka gacanta oo Sanadahan u dambeeyay,dadku si xoog ah u qabitey isticmaalkiisa,qeybaha kala duwan ee Bulshadu,khusuusana Nolosha Qoysaska oo ay kaalin laxaad leh ka qaadatey,isu gudbinta Biilasha iyo karashaadka joogtada ah.

Sidoo kalena, dal ahaan Somaliland laf ahaanteedu,sumcad badan ku kasbatey dunida caalamka, isticmaalka adeegan,oo aan laheyn khidmad macaamiisha shuruud looga dhigey haseyeeshee,kor usii qaada maalinba maalinta ka dambeysa isticmaalka khadka isgaadhsiinta Shirkada Telesom,oo shirkadaha kale uga horeysay dalka taas,oo fursad badan u siisey in ay mudadii ay Shirkadani jirtey macaamiisheeda,usoo bandhigtey Adeegyo badan oo dhinaca Isgaadhsiinta ah, Waxaana xogaha laga hayo lagu sheegaa inta badan in dadka u dhashey dalka Somaliland ee Saamiga ku leh Shirkadani ay gaadhayaan in ka badan 1500 oo qof oo isugu jira Ganacsato iyo dad kale intaba.

Haddaba maalmihii u dambeeyay,siweyn ayaa loo hadalhayey Shirkada Telesom kadib markii ay isku aragti ka noqdeen Xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo,iyo Xukuumadan Kulmiye ee kala wareegtey talada in Adeega Zaad qeyb ka yahey Sixirbararka dalka ka jira,arintaas oo ay dad badani u arkaan in aaney waxba ka jirin marka loo eego lacagaha faraa badan ee loo Sarifo Shirkada DP-World ee gacanta ku haysa Maamulka Dekeda Berbera, iyo Shirkado u sarifa lacagta kaashka ah ee Lagu qaado guud ahaanba Servicka Dekedda oo lagu qaado Shilin Somaliland inta badan lacagtan,DP-World u badelato lacagta adage e Dollarka Mareykanka wax aka ganacsada sarifkeeda qaar kamid ah Shirkadaha Dalka.

Sikasta oo,ay tahey haddiiba Shirkada Isgaadhsiinta Telesom aqbasho sida hadda muuqata in lacagta adeega Zaadku noqoto mid shilinka Somaliland ah, islamarkaana, ay talaabadaasi wax ka badeli weydo Sixirbararka dalka ka jira maxaa iska badelaya amarrada ay Telesom cadaalad daradda u aragto,sida shacabka intiisa badani sheegayana, la tuhunsan yahey in Shirkado kale loo cadaadinayo, bal aynu eegno talaabooyinka isbadela Maalmaha soo socda.

 

COMMENTS
Latest News