Saxilnews.com
Sirdoonka Talyaaniga Oo Fashiliyey Laba Nin Oo Ka Tirsan Kooxda Khilaafada Islaamka Iyo Qorshe Ay Damacsanaayeen
December 2, 2015 - Written by admin
Roma (SAXILNEWS.COM)_Sirdoonka dalka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo ka tirsan kooxda Daacish.
Booliiska dalka Talyaaniga gaar ahaan kuwa garoonka magaalada Bergamo ee waqooyiga Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay rag lagu daba jiray oo soo sameeystay Baasabooro European been-abuur ah kuwaas oo ka tirsanaa kooxda Daacish .

labadan nin ayaa watay Baasabooro laga leeyahay dalalka Norway iyo Austria waxeeyna ku sii jeedeen magaalada Malta.

 Booliiska Talyaaniga ayaa soo bandhigay sawirada ragaan oo ka soo qeeyb qaatay dagaalo hawl-gallo ay kooxda Daacish fulisay waxaana da´dooda lagu kala sheegay 30-jir iyo 19-jir .
Dhinaca kale Safaaradaha wadamada Norway iyo Austria ayaa ayaa war qoraal ah ku sheegay inay Baasabooradaas ay been-abuur ahaayeen,waxaana iminka labadii nin ee Siiriyaanka ahaa lagu xidhay xabsi ku yaala magaalada Bergamo oo 50 Km u jirta magaalada caanka ah ee Milaano.
Labadan nin ayaa qorshahoodu ahaa inay hawl-gallo ka fuliyaan dalka Talyaaniga,maadaama ay dawladda Talyaanigu ay qayb ka tahay weerarka ka dhanka ah kooxda khilaafada islaamka ah ee DAACISH.





– See more at:

COMMENTS
Latest News