Saxilnews.com
Sirdoonka Kenya Oo Xidhay Laba Nin Oo Jaajuus U Ah Dalka Iiraan
November 29, 2015 - Written by admin

Sirdoonka Kenya Oo Xidhay Laba Nin Oo Jaajuus U Ah Dalka Iiraan

 

Kenya (SAXILNEWS.COM)_Wargeyska caanka ah Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa ka soo xigtay Taliyaha booliska Kenya Joseph Boinnet ee dalka Kenya ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen labo nin oo Kenyaan ah, oo qirtay in ay sirdoonka dalka Iiraan ka caawineyeen shirqool lagu damacsanaa in lagu khaarajiyo, mas’uuliyiin reer galbeed ah oo la doonayey in laga fuliyo gudaha dalka Kenya.

Taliyaha booliska Kenya Joseph Boinnet ayaa maanta sheegay in Abubakar Sadiq Louw oo 69 sano jir ah iyo Yassin Sambai Juma oo 25 sano jir ay qirteen in ay jaajuusiin ama bassaassiin  u ahaayeen laammaha sirkoodkan ee dalka Iiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in ay hayaan caddeymo muujinaya dembiga ay raggaasi galeen kuwaasoo sidoo kale gudaha Kenya uga qorayey dad kale oo u shaqeeya laammaha sirdoonka ee dalka Iiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in Abubakar Sadiq uu 19-kii bishan November uu Yasin Juma u diyaariyey safar uu ku tagi lahaa dalka Iiraan balse ay laamaha amnigu gacanta ku soo dhigeen.

Illaa hadda wax hadal ah kama soo bixin sirdoonka dalka Tehraan ama dhinaca dawladda.

 

COMMENTS
Latest News