Saxilnews.com
SILAANYO NUSQAAN BAY KU TAHAY IN MOHAMED KAAHIN KU KAAMBAYN GAREEYO A/RAHMAN CIRO AYAA DOORASHADA DIB U DHIGAY BY ABDI MUSTAFE
April 5, 2015 - Written by admin

Madaxweynaha nusqaan bay ku tahay in Mohamed Kaahin Berbera ka yidhaa Abdirahman Ciro ayaa doorashada dib u dhigay sabab tuna tahay waxay noqonaysaa taasi in Abdirahman Ciro ka awood weyn yey madaxweynaha. Midi waa run oo Golaha wakiiladu waa ka mid dib u dhigista doorashada waayo dhowr iyo kontan xildhibaan baa Kulmiye ah oo waxay madaxtooyadu doonayso uun samaynaayay oo doorasho diid ahaa. Mida kale Kaambaynkii miyuu bilaab may sowtii lagu heshiiyey in la joojiyo. Kaaga darana hadii xisbiga Waddan maalin qudha soo baxo ciida ayaa dhaqaaqaysa oo sidoodii bay golaha wakiilada miletary kula wareegi. Dadka maanta Berbera ka hadlay ee loo soo ururiyey shaqalihii iyo ardeydii waxa uugu ceeb

yaraa gudoomiye Muse Biixi. Intooda kale dad hadal ba garanaya may ahayn oo wuxuun bay kaga dhegtay doorashada waxa habsaamiyey golaha wakiilada iyo Abdirahman Ciro. Dhegeyso waxaad maqli Cali Xoor xoor oo le soo dhawaada ilmaadeera yaal. iyo mayorka Berbera oo hadalka laga habaaray. Alla hortii Kulmiye afkana waa yaqaan waana ka agnaan …. Subxaan…Aad baa loogu naxay rag la’aanta ku dhacday xisbigii kulmiye oo mid qudha oo hadal garanayaa kuma jiro. Talow gabadh qudha oo u hadashana miyey waayeen ileyn xabad dumari mey hadal e. Ciridkaan arko ilko kama soo jeedaan. Xisbigaan Kulmiye tartan kuma jiro waaba bestood. Xaflada dhegta daran ee araga daran ee soo dhaweynta Berbera ayaa inagaga filan.

Xisbiga waddani ragga daayoo dumar kodaa iyo dhalinyara dooda ayaa doobya oo luqunta kor u taaga, but bloody Kulmiye does know how to engage youth & Women.

Abdi Mustafe

Abmustafe123@gmail.com

 

 

COMMENTS
Latest News