Saxilnews.com
Sidee loo hagaajin karaa basaskeena isku dhex mulaaqan
September 25, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Sidee loo hagaajin karaa basaskeena isku dhex mulaaqan

In gudida basaka lala shiro oo laga hadlo sidii ay u hagaajin lahaayeen basaska, waayo waa meesha kaliya ee laga hagaajin karo basaskan isku dhex mulaaqan ee is wada daba yaacaya ee aan kala lahayn maamul iyo kala danbayn toona.

In la soo hubiyo ama la tiriyo inta basas ee ka baxda caasimada lana ogaado tiradooda iyadoo loo adeegsanayo xog ururintaas si loo hagaajiyo habsami u socodka waddooyinka iyo meelaha istaanada ah ee ay wadooyinku dhex maraan, waayo way dhibaan waddada oo way is hor iyo daba yaalaan.

Loona sameeyo line land lagala xidhiidho iyo cid u xil saran oo lagala xisaabtamo waana masuuliyada dawlada hoose ee caasimada ee uu horkacayo maayarka taagta dayaran soltelco.

In gudi kasta oo ka mid ah basaska waa in loo sameeyo xafiis ay kaga tashadaan aayahooda iyo arimaha basaska iyo howl meelmeedkooda.

Lagulana xisaabtamo hawlaha basaska

In masuul looga dhigo sidii ay uga habayn lahayeen basaska magalada iyo habsami u socodaka waddada

In la sameeyo sharcigii lagula dagaalamyay xakamaynta gaadiidka soo dagaya

In basaska laga dhex saaro magaalada dhexdeeda lana geeyo koonayaasha magaalada

in la hubiyo adeega ay qabanayaan basasku si ay dadkooda ugu shaqeeyaan si wacan oo ah sida loo baahan yahay

waana in la sameeyo meelaha ay basasku istaagaan ee laga raaco ama lagaga dago ee loo yaqaano (boosteejo) taasi oo ah meel lama dhaafaan ah oo uu ku qasban yahay inuu qofkastaaba kaga dago baska oo aanay jirayn halkan anigana ii jooji danbe.

in la sameeyo wacyigalin fara badan oo dadka wax loogu sheegayo in basasku ay u guureen ama loo rarayo koonayaasha magaalada taasi oo loo yaqaano (central transfer) taasi oo ah meesha ay ku kala wareegayaan basasku insha allah.

COMMENTS
Latest News