Saxilnews.com
Shufto Abaabulan Oo Xalay Dhaawac Gaadhsiisay Wariye Ka Hawl Gala Magaalada Hargeysa Gaadhigiisiina Burburisay
September 12, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews) -Koox abaabulan oo hubaysan ayaa xalay dhaawacyo gaadhsiiyay wariye Khadar Cabdi Xasan “Gureyte” oo kamida warbaahinta magaalada hargeysa.

Waxaana kooxdan oo hubaysnaa ay wariyaha ku dhaawaceen budhadh iyo bakoorado ay siteen kuwaasi oo ka jabiyay gacan sidoo kalena burburiyay gaadhigiisii uu watay,waxaana sida uu sheegay kooxdani ka heshay isagoo maraya wadada wayn ee ka danbaysa dhakhtarka wayn ee hargeysa.

Kooxdan ayaa iyagu markii ay dhaawacyada u gaysteen wariye Khadar Gureyte waxay ku baxsadeen gaadhi ay wateen uu sheegay inuu ahaa gaadhiga loo yaqaano NOHO.

Ilaa hadda lama garanayo sababta ay kooxdani jidh dilka ugu gaystay wariyaha iyo cidda soo abaabushay wallow uu Wariye Khadar sheegay in kooxdan uu u aanaynayo inay soo direen xisbiga KULMIYE.

1

COMMENTS
Latest News