Saxilnews.com
Shirkada Maamusha Dekeda Berbera Ee Dp World Ayaa Manta Shaqadii Ka fadhiisisay Ku Dhawaad 60 Qof Oo Kamid Ah Dadka Waayeelka Ah Ee Dekeda
July 20, 2017 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Shirkada maamusha Dekeda Berbera Ee Dp World ayaa manta shaqadii ka fadhiisisay ku dhawaad 60 qof oo kamid ah dadka waayeelka ah ee dekeda ka shaqayn jiray waxayna wararka ka imanayaa dekeda Berbera ay sheegayaan in dadkaasi shaqaalaha ahaa loo aqoonsaday hawlgab maadama uu sharciga shaqaalaha ee Somaliland dhigayo in qofkii ka wayn ilaa 60 Sano uu yahay hawlgab

Shaqaalahani shaqada laga joojiyey ayaa saaka iskugu yimi afaafka hore ee Dekeda Berbera kadib markii ay haayadu shaacisay inay shaqadii ka joojisay

Haayada Dp World ayaa dhankeeda lacago magdhow ah usoo bandhigtay shaqaalahaasi la joojiyey ee ahaa shaqaalihii hore ee Dekeda Berbera taasi oo dhamyd in qofkiiba la siiyo $2000 Dollar balse shaqaalaha la joojiyey ee ubadan waayeelka ayaa iyguna dhankooda ka biyo diiday dhaqaalahani kooban ee loo soo bandhigay in shaqada lagag joojiyo

Shaqaalahani oo mudo dheer kasoo shaqaynayey Dekeda Berbera ayaa ka dhursugay talaabada xukuumada Somaliland maadama ay haayadu sheegtay inay dadkani yihiin kuwo soo dhamaystay wakhtigoodii shaqo waxayna balan qaaday haayada Dp World inay dadkaasi mushaharkooda gacanta kusii hayn doonto mudo haln sano ah

 

Saxilnews.com//

Berbera -Somaliland

COMMENTS
Latest News