Saxilnews.com
Shirkada DP World Oo Afka Ka Xidhatey In Ay Ka Hadasho Faahfaahina Ka Bixiso Dab Xalay Ka Kacay Qeybo Ka Mid Ah Dekada Berbera .
June 19, 2017 - Written by suxufi

Berbera (Saxilnews):- Shirkada laga leeyahay dalka Imaraadka Carabta ee lagu wareejiyey Maamulka DekadaMagaalada Berbera ee DP WORLD ayaa waxaa ay si cad uga muquuratey in ay ka hadasho isla markaana ay faahfaahin ka bixiso  dab xalay fiidkii qabsadey qeyb ka mid ah dekada Berbera .

Shirkadan oo iyadu maamusha dhamaan hawlaha dekada Berbera ayaa ilaa hada aan wax war ah ka soo saarin dabkaas isla markaana cadeynin sababta uu dabkaasi ku dhashey iyo waliba waxii saarnaa halka  Konteenar oo gubtey

Balse masuulyiin uu ka mid yahay mareeyihii hore ee dekada Berbera Axmed Yuusuf Dirir ayaa xalay isagu warbaahinta kula Hadley Berbera una sheegay in dabkaasi lagu guuleystay in la damiyo balse waxaa uu warbaahinta u sheegay in aanu garaneen sababta uu dabkaasi u dhashey iyo waliba alaabta saarneyn Hal Koonteenar oo gudbiye

COMMENTS
Latest News