Saxilnews.com
Shir Lagaga Hadlayo Xoojinta Nabadgalayada Oo Ka Dhacay Magaalada Xuduudeedka Wajaale /Wariye Biid
September 26, 2018 - Written by qaasim Mukhtar

Wajaale (Saxilnews.com)-Kulan lagaga wada hadlaayey arimaha nabadgelyada labada dawladood ee Somaliland iyo itobiya ayaa maanta lagu qabtey dhinaca xidhiidhka itobiya degmada togwajaale.
Wasiirudawlaha arimaha amniga ee wasarada arimaha gudaha maxamed muuse diiriye iyo wafti uu hogaaminayey la taliyaha dhinaca amniga ee ismaamulka somalida bedel xiis iyo madaxdhaqameedyada somalida itobiya suldaan shukri maxamed cabdilahi iimaan iyo suldaan cali suldaan axmed jeex oo ah saladiinta ismaamulka somalida ayaa sidaa jir ah uga wada hadley sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa arimaha nabadgelyada isla markaana at maamulka somalida itobiya u dhisi lahayeen dhinacooda ciidankii nabadgelyada taas oo buuqin doonta kaalintoodii nabadgelyo .
Gababadii waxaa la isla meeldhigey in meel looga soo wada jeedsan lahaa arimaha nabadgelyada labada bulsho iyo labada waxaba.

 

Wariye : Maxamed Ismaciil Cumar Biidh

Wajaale /Somaliland

COMMENTS
Latest News