Saxilnews.com
Shir Gudoonka Golaha Guurtida Somaliland Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Guddiyo Loo Kala Dirayo Galbeedka Iyo Bariga Somaliland+Tirada Guddiga Iyo Magacyada Goobaha Ay U Baxayaan
July 29, 2017 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com)-Shir gudoonka golaha guurtida Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Afar guddi oo loo kala diri doono bariga iyo galbeedka Somaliland.

Afartan Gudi ee goluhu ku dhawaaqay ayaa u kala bixi doonaa magaalooyinka, Burco, Boorama, Ceel-afweyn iyo Xariirad.

Deegaankaa Ceel-afwen waxaa u bixi doona 13 mudane, Burco-na waxaa u bixi doona 8 mudane, Boorama waxaa u bixi doona, 8 mudane Xariiradna waxaa u bixi doona 6 mudane guud ahaan mudanayaasha loo saaray afartan meelood ayaa ah 35-mudane.

Gudiyadan saaka la shaaciyay magacyadooda ee ka kooban 35-ka mudane ayaa 16-ka mid ahi waxa ay u kala bixi doonaan magaalooyinka Burco iyo Berbera, ujeedka iyo dalabka ay ku tagayaana waxaa uu ka yimid hay’adda UNDP sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.

Sidoo kale 13-mudane waxaa iyagana loo diri doona xalinta shaqaaqadii dhawaan ka dhacday deegaanka Dararweyne ee degmada Ceel-afweyn, halka 6-da soo hadhayna loo diri doono degmada xariirad halkaaasi oo ay u tagi doonaan hawlo gaara.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka guddiga iyo magacyadooda

COMMENTS
Latest News