Shil Baabuur Oo Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Oo Saaka Ka Dhacay Duleedka Magaalada Laascaanood+Sawiro
March 14, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)Wararka saaka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada wararka Saxilnews ayaa sheegaya in shil baabuur uu ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Laascaanood.
Waxaana shilkan baabuur uu ahaa sida naloo sheegay isku dhaca laba baabuur oo kala ahaa gawaadhiga loo kala yaqaano Shaamboo iyo Dhayne,waxaana shilkaasi Baabuur ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Shilkan gaadhi ayaa sababay dhimashada Hal qof iyo dhaawaca saddex qof oo kale,waxaana dadkaasi la gaadhsiiyey cusbitaalka guud ee magaalada Laascaanood halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Gabagabadiina muddooyinkiiu danbeeyey waxa isa soo tarayey shilalka Baabuurta oo sababayey khasaare Naf iyo Maalba leh.