Saxilnews.com
SHEIKH AADAN SIIRO OO BEESHA JAARSADA CAAQIL AY HARGEISA KU CALEEMA SAAREEN KA HADLAY SHEGAYNA IN UU MARKAB KAGA RARI DOONO HADAAN HARGEYSA LAGA RARIN
November 7, 2015 - Written by admin

Hargeisa (SAXILNEWS)_Sheikh Aadan Siiro oo Beesha Jaarsada caaqil ay hargeisa ku caleema saareen ka hadlay Shegayna in Uu Markab Kaga rari doono Hadaan Hargeysa Laga rarin..

“Waxaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Leeyahay Tallaabo La Taaban Karo [Waa ] Inaad Ka Qaadaan, Haddii Taasi Ay Dhici Weydo Waa In Ummada Caqliga Lehi Ay [Jaarsada] Meeshoodii Ku Celiyeen”siiro & caaqil jaarso
siiro-caaqil-jaarso
Hargeysa (saaxilnews.com)- Khadiibka Masjidul-Qubaa (Ex-Xawaadle) ee xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) ayaa naqdiyey caleemo saarkii magaalada Hargeysa Loogu Sameeyey Caaqilka Ay yeelan doonaan qowmiyada Jaarsada ee deegaan ahaan kasoo jeeda dalka Itoobiya, kuwaas oo uu ku tilmaamay in caleemosaarka caaqilkoodu ay ku xidhiidhsan tahay qorshe uu ugu yeedhay edegayn [Globalization] oo lagu deegaamaynayo qowmiyadan. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxaa uu ka warramay sooyaalka taariikheed ee qoomiyadan oo uu sheegay in ay asal ahaan neceb yihiin in ay magaca Soomaalinimada sheegtaan isaga oo ku xidhiidhiyey afti laga qaaday dadkan oo lagu weydiiyey in ay ka qayb galaan kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya oo Waagii la samaynayay ay diideen taas beddelkeedana ay ku biireen Kililka oromada sidaas darteed aanay jirin sabab ay waqti xaadirkan ugu beermaan dhulka Somaliland. Sheekh Aadan Siiro oo khudbaddii jimcaha ee shalay uu ka jeediyey masjidka Xawaadla kaga hadlay amuuro ay qaddiyadani kamid tahay ayaa waxaa uu xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda daakhiliga ku dhaliilay in ay aqoonsato isla markaana ay dhayalsato caleemo saarka caaqilkan. Khudbadda Sheekha waxyaabah xusida mudan ee ka sokow caaqilkan waxaa kamid ahaa xaaladda xisbiga KULMIYE oo uu soo jeediyey in xal degen lagu demiyo wixii khilaaf ah ee ka dhex aloosan isaga oo xisbiga KULMIYE iyo aayihiisana ku macneeyey in ay tahay hanta qaran, haddii uu burburana ay dawladnimada Somaliland iyo jiritaankeedu meesha ka bixi doono, sidaas darteed waxaa uu ku taliyey in miiska wada hadalka lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira si loo bedbaadiyo qarannimada iyo qaddiyada dalkan oo cadaw badan oo uu leeyahay ay indho gaar ah ku eegayaan sida wax u dhacaan. Khudbada Sheekh Aadan oo qaybo kamid ah uu Wargeyska HUBAAL halkan idiinku soo gudbin doono waxaa kamid ahaa “ Waxaan leeyahay hadal kooban oo ay soomaalidu odhan jirtay kaasi oo ahaa; inan aad u wanaagsanaa oo talo badnaa ayaa hooyadii oo uu aad u jeclaa ay maalintii dembe u yeedhay waxaa ay tidhi hooyo waynu saruuradoonay ee awr yar oo wanaagsan innoo soo qabo, markaasuu ku yidhi oo maxaynu ku samaynayaa, markaasay tidhi waad innoo qalaysaa [gawracaysaa. Markaasuu yidhi oo ma innoogu yeedhaa dadka jaarka anigu qali kari maayee, markaasay tidhi mayee innaga daa yaanay cidi inna ogaanine, kadibna waayahay hooyo ayuu yidhi, laakiin sideen sameeyaa [u qalaa awrka], waxa ay ku tidhi markaad neefka jarjarto inta aynu maanta cunayno mooyee inta kale halkaa innoogu rid. Kolkaasuu yidhi oo Hooyo ma awr baynu keligeen cuni karaynaa?. Waar hadalka badan naga dhaaf oo sidaasaanu ku nidhi ee samee ayay tidhi. Wuu iska aamusay oo sidii buu yeelay, intii ku filnayd ayaanay maalintii iska barakaysteen oo ay cuneen. Dhawr maalmood ka dib ayaa ay is yidhaahdeen hilibkii aad meesha ku ridateen lasoo baxa in ka mid ah, markaasaa hilibkii oo uraya ayaa uu inankii u tegey markii uu ka qaaday daboolkii ayaa urtii islaantii soo gaadhay, markaasay tidhi hooyo maxaa dhacay, kolkaasuu ku yidhi dee hooyo taladaadii baa uraysa. Waar Heedhe arrinka oo kooban waxaan leeyahay, maalmahan dembe waxaa jirta in magaalada Hargeysa lagu caleemo saaray Caaqil Jaarso Ah. Taas macnaheedu waxaa ay tahay Globalization [Edegayn] baa jirta Maadaama oo ay Sagaashan Milyan yihiin ay maalin dhaw dalka sheegtaan inay xuquuq ku leeyihiin maadaama caaqil la caleemo saaray” sidaa ayuu idhi Sheekhu, waxaan u intaa ku daray isaga oo sii faahfaahinaya khudbadiisa “arrintaasi [caleemo saarka caaqilka] waxa ay keenaysaa in ay[jaarsadu] si dadban u qaataan kaadhadhka dhalashada, hadhowna ay inna yareeyaan waayo tiradeena waad ogtihiin oo Edegayntaasina [Globalzation] uu innagu socdo. Nimankaas Jaarsada ah waad ogtihiin in Kilalka shanaad markii Oromada Iyo Soomaalida loo qaybiyey ayaa ay diideen magaca soomaalinimada oo iyaga oo joogo Jinacsaley oo iyadu dhawr iyo toban kiiloo mitir u jirta Jigjiga ayaa ay ku biireen kililka Oromada, taas macnaheeduna waxaa ay tahay in aanay Soomaalinimaba aanay ogolayn. Markaa waxaan wasaaradda arrimaha gudaha leeyahay waad ka hadasheen oo waad ku mahadsan tihiin laakiin waxaa ay tahay tallaabo la taaban karo inaad ka qaadaan, haddii taasi ay dhici weydana, ummada caqliga iyo cilmiga leh ee acyaanta ah waxaaanu ugu baaqaynaa in ay tallaabo degdeg ah ka qaadaan” ayuu Sheekh Aadan XAaji Maxamuud khudbadiisa ku soo gunaanaday.

 

 

hargeisa/office

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News