Saxilnews.com
Sheekh Maxamed Cumar Dirir Oo Ka Cudur Daartey In Uu Ka Mid Noqdo Guddi Uu Shalay Madaxweyne Siilanyo Ku Daray
June 10, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi
Hargeysa (Saxilnews):- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waa weyn eereer Somaliland ayaa ayaa markii ugu horraysay ka hadlay Guddiga Culimadda qaranka oo habbeenkii Xalay uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa waxaa uu Xubin ka yahay guddigan heer qaran ee Culimadda Somaliland waxana uu sheegay inuu ka cudur-daarannaayo guddidaas uu Madaxweynaha Somaliland ku daray, isla markaana intii xitaa aan Liiska guddidaas lagu darin uu tiraba laba jeer cudur-daar ka bixiyay ka mid noqoshadda guddidaas qaran.

 

Si kastaba ha ahaatee Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa dhawr jeer oo hore ka cudur-daartay guddiyo magaciisa lagu daray oo Madaxweyanaha Somaliland marar kala duwan uu u Magacaabay, waxaannu 2011-kii uu ka Cudur-daartay guddidii Tacliinta sarre.

COMMENTS
Latest News