Saxilnews.com
SHAQAALE SHAHAADOOYIN BEEN ABUUR AH SITAY OO SHAQADII LAGA CAYDHIYAY
April 30, 2017 - Written by cali abdilaahi

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa shaqadii ka eryey inku dhow toban kun oo ahaa shaqaale rayid ah kadib markii lagu helay inay haysteen shahaadooyin been abuur ah.

Baaritaan lagu sameeyay heerka aqoonta guud ahaan shaqaalaha dalka Tanzania ayaa la sheegay in shaqaale badan oo xilal kala duwan ka hayay dowlada aysan lahayn shahaadooyin rasmi ah.

Madaxweynaha dalka Tanzania ayaa u qabtay illaa laga gaarayo 15ka bisha May shaqaalahan lagu eedeeyay inay haysteen shahaadooyin macmal ah inay xilalka wareejiyaan haddii ay diidaana xabsiga loo taxaabi doono.

“Dadkaan fadhiyay xafiisyada dowlada ee aan lahayn shahaadooyin waxbarasho waxa ay la mid yihiin burcad dambi u geysatay shacabka,”ayuu yiri Madaxweyne Magufuli, isagoo ugu baaqay in saraakiisha dowlada ay sheegeen magacyada shaqaalaha la eryay.

Wadanka Tanzania ayaa waxaa ka jira suuqyo madow oo lagu iibiyo shahaadooyinka dugsiyada sare iyo dukumintiyada kale. Madaxweynaha dalka Tanzania Magufuli oo labadii sano ee la soo dhaafay hayay xilka madaxtinimada Tanzania ayaa ballanqaaday inuu wax ka qaban doono musuqmaasuqa ka jira dalkiisa.

COMMENTS
Latest News