Saxilnews.com
SHACABKA SOMALILAND WAXAAN LEEYAHAY ISBARBAR TAAGA CIIDANKA QARANKA” GUDDOOMIYE CIRRO
May 22, 2018 - Written by editor

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Belgium oo uu kaga qayb galayo shir ka dhacaya.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa u mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi oo si diiran u soo dhaweeyay waftigiisa.

Waxa uu guud ahaanba shacabka somalilnad ugu baaqay in ay is barbar taagaan ciidamada qaranka Somaliland oo jiida hore ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland.

“Waxa aan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan aan ugu baaqayaa in ay garab istaagaan ciidamada Qaranka Somaliland oo ku jira in ay difaacaan sharafta iyo
qaranimada Somaliland” ayuu yidhi

COMMENTS
Latest News