Saxilnews.com
Shacabka Gobolka Catalania Oo U Soo Baxay Aftida Madax Banaanida Iyo Dawlada Spain Oo Culays Badan Saartay
October 1, 2017 - Written by Faysal Aadan

Shacabka Gobolka Catalania Oo U Soo Baxay Aftida Madax Banaanida Iyo Dawlada Spain Oo Culays Badan Saartay
Gobolka Catalonia, ee dalka Spain waxa bilaabmay safafka ay dadka ugu jiraan goobaha codaynta aftida madaxbanaanida ee ay mamnuucday dowlada dhexe ee dalkaasi.

Saraakiisha gobolkaasi ayaa waxa ay sheegeen in Sanaadiiqda codaynta ay diyaar yihiin ayna filayaan in dad badan ay u soo baxaan aftida maanta.

Xukuumadda Madrid ayaa wacad ku martay in ay is hortaagi doonto aftida gobolka Catalonia.

Booliiska Spain ayaa lagu amray in ay joojiyaan codeynta aftida madaxbanaanida ee gobolkaasi

Kolanyo gawaadhida ciidamada booliiska ah ayaa ka ruqaansaday saldhig ay ku leeyihiin Dekadda magaalada Barcelona.

Xalay waxa isu soo baxay kumannaan qof oo taageersan

aftida kuwaasi oo isugu soo baxay iskuulada lagu wado in loo isticmaalo xarumaha codeynta.

Qabanqaabiyayaasha ayaa waxa ay ugu baaqeen codbixiyayaasha in ay soo baxaan si ay u difaacaan goobaha codeynta.

Qaar ka mid ah magaalooyiinka gobolka Catalonia ayaa waxa isu soo baxay dad Beeraley ah oo cagafcagafyo dhigay wadooyiinka iyo goobaha laga galo xarumaha codaynta sida ay ku warantay qaar ka mid warbaahinta Spain .

Aftida ayaa ah mid dadka la waydiinayo hal su’aal oo ah “Ma doonaysaa in Catalonia ay noqoto jamhuuriyad madaxbanaan? “waxaa jira laba Sanduuq oo loogu tala galay in lagu rido Haa iyo Maya

 

COMMENTS
Latest News