Saxilnews.com
SHACABKA DEGMADA GO-DA WAYN OO KA HADLAY MAAMULKA GOBALKA SAAXIL OO XANIBAY DIWAN-GALINTII KA SOCOTAY DEGMADAASI + EEDAYNA USOO JEDIYAY BADHISABKA SAAXIL BURCO
March 30, 2015 - Written by admin

Goda Weyn?Saaxil(Berberatoday.com)-Cuqaal iyo Waxgarad la soo Xidhidhay bahda warbaahinta kala duwan ee dalka ayaa Baaq Dheer u Diray Xukumada Somaliland Gaar ahaana Wasaradda Arrimaha Gudaha Oo ay ka Dalbadeen inay Soo Faro-Galiso Cadaadis Ba-an Oo ay Tilmameen inay Maamulka Gobalka Saaxil ku Hayaan

GodaweynDegmada Go-da Wayn, Caaqil Haybe Maxamed ismaaciil Oo ugu horaynba ka Hadlaya Arrimahaasi ayaa Waxa ka Mid ahaa hadalidisii Sida Tan “Anigoo ah Caaqil Haybe Maxamed ismaaciil Waxaan Hada ku Suganahay Degmada Go-da Wayn Waxaan Jecelahay inaan ka Hadlo Diwaan galintii Madaniga ahayd Oo Gabi-ahaanba ka istagtay Degmada Go-da Wayn,Hadii Aan inyar ka idhaahdo Sababta ay Diiwan Galintu uga istagtay Degmada Go-da Wayn,Waxa Dhacday in Markii horre Mashiin la Socday Diwaan- Galinta Uu Xumaday Markii Lagu Shaqayay Mudo Kooban Oo Maalmo ah ka Dib Dadkii Degaanka Go-da Wayn ayaa Tashaday Waxaanay Go-aan ku Gadheen inay Diiwan-galinta u shidaan Mashiin ay Leyihiin Dadka Degaanku,ka Dib Markii ayaa isaguna Xumaday,Waxa Badhisabka Gobalka Saaxil Fahmi Bidaar u Tagay Gudomiyaha Degmada Go-da Wayn,Cuqaal iyo Waxgarad la Socda Waxaanay u Shegeen Sida ay Wax u Dhaceen,Badhisabka Saaxil Waxa Uu Hadal Cad Yidhi anagu Ma Gaynayno Degmada Go-da Wayn Mashiin Ee ordoo Diiwan-Galinta iska Soo Xidha,Mashiinka idinka Xumaday anagu Mashiin Cusub idin Siin Maynee, Waxaanu u aragnaa inuu Badhisabka Saaxil Doonayo inaan Shacabka Degmada Go-da Wayne Aanay isdiiwan-galinin Sababtuna Way Cadahay,Waxaan ugu baqaynaa Xukumada Somaliland Gaar ahaana Wasaradda Arrimaha Gudaha inay Talaabo Cad ka Qaado Badhisabka Saaxil Oo Curyaaminaya Shaqadii Wasarada Arrimaha Gudaha, Anagu Diyaar ayaanu u Nahay in Aanu isdiwan-galino Lakiin Maamulkii Gobalka Saaxil ayaa Hor Taagan,Dadwaynaha Reer Go-da Wayn Waxay Donayaan inay isdiwan-galiyaan ilaa Hadana ma Hayaan Meel ay iska Diwaan-Galiyaan” ayuu Yidhi Caaqil Haybe Maxamed Cabdifataax Muuse Cilmi Oo isaguna ka Mid ah Dadwaynaha Degan Gudaha Degmada Go-da Wayn ayaa Dhankisa Tilmaamay inay Maamulka Gobalka Saaxil ay Dhagaha ka Furaysteen Cabashada ka soo Yeedhaysa Dadwaynaha Degaankaasi, Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan “ Waxaanu Marar Kale Duwan Safar ku Tagnay Xafiiska Badhisabka Berbera Waxaanu u Shegnay Dhibatada Haysata Diwan-Galintii ka Socotay Degmada go-da Wayn Waxaanu Badhisabku Markastaba Uu Nagu Lahaa Waanu Dhamaynaynaa Lakiin Markii Ugu Danbaysa Waxa Uu Nagu Yidhi Afcad Anagu Mashiin Gaynmayno Go-da Wayn Diwaan-Galintiinana Anagu Dan Kama Lihin,Markaas Waxaanu u aragnaa anagu inuu Badhisabka Saaxil Fahmi Bidaar Uu Colaad Gaar ah u Qabo Shacabka Degmada Go-da Wayn,Waxaan ugu Baqayaa Xukumada inay Talaabo Degdeg ah ka Qaado arinkan Qalabka ka Dhimana ay usoo Dhamayso Degmada Go-da Wayn” ayuu Yidhi Cabdifataax Ugu Danbayntii Dhawaqani ka soo Yeedhaya Cuqaasha iyo Waxgaradka Degmada Go-da Wayn ayaa ku Soo Beegmaysa Wakhti ay Eedaymo Baladhan Loo Soo Jeedinayo Badhisabka Gobalka Saaxil fahmi cabdi bidaar oo latilamaamay inuu go’doomin amran ku ahayo deegaankaasi katirsan gobolka uu maamulo

COMMENTS
Latest News