Saxilnews.com
SHACABKA BURKINO FASO OO MADAXWEYNE CUSUB DOORTAY
December 1, 2015 - Written by admin

Burkino Faso (SAXILNEWS.COM)_Doorashadii ka dhacday dalka Burkino Faso ayaa waxa ku guulaystay Roch Marc Christian Kabore, oo hore dalkaasi uga soo noqday raysal wasaare.

 

Sida ay shaaciyeen guddida doorashooyinka ee dalkaasi musharax Roch Marc Christian Kabore ayaa helay 53.5% codadkii la dhiibtay, waxaanay sheegeen inuu gaadhay tiradii loo baahnaa ee codadka isla markaana aan loo baahnayn in la qabto wareeg labaad oo doorasho.

Waxay ahayd doorashadii u horaysay tan iyo sanadkii hore markii uu dhacay kacdoonkii caanka ahaa ee xilka lagaga tuuray madaxwayne Blaise Compaore.

Doorashada waxaa la qaban lahaa bishii hore waxaase dib u dhigay afgambigii dhicisoobay ee dhacay bishii
sagaalaad kaas oo ay hogaaminayeen qaar ka mid ah madaxda ilaalada madaxtooyada.

Madaxwaynihii hore Compaore, oo 64, jir ah waxa uu hadda ku nool yahay dalka ay dariska yihiin ee Ivory Coast.

 

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News