Saxilnews.com
SEYNISYAHAN DALBADAY IN LA DILO OO LA KHARAAJIYAY
December 31, 2018 - Written by editor

Switzerland(saxilnews.com)-David Goodall oo ahaa seynisyahan 104 sano jir ah ayaa nafta looga raaxeeyay ka dib markii uu nolosha geeri ka doorbiday

 

David Goodall ayaa doorbiday in nafta looga raaxeeyo isbataal ku yaalla dalka Switzerland.

Waxaa arrintan shaaciyay ururka u ololeeya xaqa uu qofka u leeyahay in uu dhinto.

Ururka caalamiga ah ee lagu magacaabo Exit International ayaa waxa ay sheegeen in Mr Goodall uu dhintay saacada markay ahayd 12:30 waqtiga dalka Switzerland .

Seynisyahankani caanka ah ma uusan hayn xanuun badan balse waxa uu go;aansaday in nafta looga raaxeeyo .

Waxaa laga soo duuliyay dalka Australia si iyada oo la raacayo rabitaankiisa nafta looga raaxeeyo.

Markii ugu dambeeysay oo uu goob fagaaro ah ka hadlo ayaa waxa uu sheegay in uu la yaabay sida ay dadka u danaynayaan kiiskiisa.

“Ma rabo in aan sii noolaado,” waxa uu sidaasi Arbacadii u sheegay wariyayaasha . ”

Qofka jira da’deyda amaba iga yar … in uu xor u yahay in uu doorto geeri marka ay geeridu tahay waqtigii haboonaa .” ayuu intaa ku daray.

Waxaana David Goodall nafta lagaga jaray Irbado suna iyada oo dalkaasna Switzerland uu ku yaalo Cisbataal dadka donaya in la dilo lagu khaarajiyo.

 

 

COMMENTS
Latest News