Saxilnews.com
SAXAFI LAGU XIDHAY MAGAALADA BURCO + SABABTA
September 26, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Burco (Saxilnews):-  Waxaa magaalada Burco lagu xidhay maanta wariye Axmed Muuse Maxamed (Sakaaro) oo ah wariye ka hawl gala magaalada Burco.

sakaaroWariyahan ayaa ku xidhan saldhig ku yaala dawlada Hoose ee Burco

Wariyaha oo ay noo suuro gashay inaanu khadka telifoonka ku helno ayaa noo sheegay in amarka lagu soo xidhay cid bixisay aanu garanayn balse markii uu waydiiyay taliya qaybta uu usheegay in amar  uu ku soo xidhay la amray sidaasna uu ku xidhay wariyaha

Wariye sakaaro ayaa sidoo kale ah gudoomiye ku xigeenka ururka saxaafada ee SECJA , waxaanu dhawaan  ka hadlay hanjabaadii uu wasiirka madaxtooyada Somaliland uu ujeediyay saxaafada Somaliland.

COMMENTS
Latest News