Saxilnews.com
Saxaafadda Yuhuudda Oo Baahiyay In Mohamed Salah Uu Liverpool Ugu Hanjabay Ka Tagis & Sababta Oo La Xiriirta Xiddig Yahuudi Ah.
December 27, 2018 - Written by editor

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa lagu eedeeyay inuu ku hanjabay ka tagista kooxda Liverpool hadii xiddiga reer Israel Moanes Dabour uu kooxda kusoo biiro, waxaana sheekadaan si weyn u faafiyay warbaahinta Israel.

Warbaahinta waxey sheegtay in xiddiga reer Masar uusan sinaba u ogolaan doonin in Dabour ay lasoo wareegto kooxda Liverpool, balse dadka u dhaw xiddiga reer Masar ayaa sheegay in xiddiga loo baahan yahay inuu diirada saaro ciyaarista kubadda cagta isla markaana uu u dhaqmo sida nin xirfadle ah maadaama uusan shaqo ku laheyn cidda ay la heshiineyso kooxdiisa.

Horay ayey u dhacday in Mohamed Salah uu diiday inuu gacan qaado xiddig reer Israel ah iyadoo kooxdiisii hore FC Basel ay la ciyaareyso Maccabi Tel Aviv, wuxuuna xiddigaan markaas ku mutay dhaleeceyn kaga timaada saxaafadda Yuhuudda.

Wasiirka difaaca Israel Avigdor Lieberman ayaa barta twitter-ka kusoo qoray bishii April inuu Salah ku dari doono ciidamada difaaca Israel kadib markii uu arkay sida uu guul ugu hogaamiyay kulankii ay 5-2 u dileen Roma.

Saxaafadda dalka Israel ayaa si xun u baahinaya warkaan iyadoo ay ka muuqato dagaal ay kula jiraan xiddiga heerka caalami ee wadanka Masar.

COMMENTS
Latest News