Saxilnews.com
Sawirro: Hal Qof oo ku dhintay gaadhi Caawa 24 tahriibayaal Oromo ah kula qalibmay Dacar-budhuq
September 22, 2015 - Written by admin

Sawirro: Hal Qof oo ku dhintay gaadhi Caawa 24 tahriibayaal Oromo ah kula qalibmay Dacar budhuqHargeysa (Saxilnews.com) – Inta la ogyahay hal qof baa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo caawa ka dhacay jidka u dhexeeya Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, gaar ahaan deegaanka Dacar-budhuq.

Gaadhi qalibmay oo ahaa nooca Soomaalidu u taqaanno Shaamboo Xayraanka ayaa waxa uu siday 24 nin oo ka soo jeeda qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana la sheegay inay tahriib ahaan loogu siday Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland, laakiin gaadhiga oo shil ku galay deegaanka Dacar-budhuq ayaa sababay geerida Alle ha u naxariistee dirawalkii gaadhigaasi waday oo Soomaali ahaa, waxaana dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen raggii Oromada ahaa ee uu siday.

Sawirro: Hal Qof oo ku dhintay gaadhi Caawa 24 tahriibayaal Oromo ah kula qalibmay Dacar budhuq

Maydka dirawalkii gaadhiga waday iyo dhaawaca dadkii kale ayaa Abbaaro 1 iyo 20 daqiiqo la soo gaadhsiiyey cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, sida uu ku waramay Wariye ka tirsan Telefiishanka Qaranka Somaliland oo halkaasi gaadhey.

Sawirro: Hal Qof oo ku dhintay gaadhi Caawa 24 tahriibayaal Oromo ah kula qalibmay Dacar budhuq

Sidoo kale, Wariyaha ayaa dhaawaca dadka Oromada ah sawirradan idiin muuqda kaga soo qaadey qaybta gurmadka deg-degga ah ee cisbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaasi oo lagu daweynayo dadkaasi dhibaatadu ka soo gaadhey shilkan.

Sawirro: Hal Qof oo ku dhintay gaadhi Caawa 24 tahriibayaal Oromo ah kula qalibmay Dacar budhuq

Shilka ay galeen dadka tahriibka ahaa ayaa noqonaya kii koowaad ee inta la xasuusto dad tiradoodu intaasi leeg tahay mar ku wada galaan gudaha Somaliland

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News