Saxilnews.com
Sawiro:Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Goob Fagaare Ah Kala Hadlay Kumanaan Dadweynaha Oo Ku Dhaqan Degmada Dhoqoshay Ee Gobolka Togdheer,
July 10, 2017 - Written by Siciid dalmar
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo goob Fagaare ah kala hadlay Kumanaan Dadweynaha oo Ku dhaqan Degmada Dhoqoshay kadib markuu Xalay seexday.Dhoqoshay (Warbaahinta Kulmiye)-Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Xisbiga ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo socdaal lagu dardargalinayo qaadashada kaadhka codbixinta ku maraya deegaanno hoos yimaada gobolka Togdheer oo xalay u hoyday degmada Dhoqoshay ayaa saaka halkaasi kala hadlay Kumanaan dadweyne ah.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Weftigiisa oo ka kooban wasiiro ka xisbiga Xukumada Xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Cali Xasan Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid , Wasiirul Dowladaha Maaliyadda Yuusuf Xasan Umal iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Maayirka Magaalada Dhoqoshay Maxamud Xasan Saleban Doob ugu horayn ka hadlay halkaasi ayaa soo dhaweeyay socdaalka Weftiga gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE kaasi oo uu sheegay inuu bulshada u yahay dhiirigalin iyo wacyigalin aad u muhiim ah.

Haldoorka iyo Waxgaradka Degmada Dhoqoshay oo ay ka mid yihiin Dr. Cabdi Yaasiin , Khaliif Maxamed Warsame , Axmed Cabdi Falay iyo Salaadiinta deegaanka ayaa ku dheeraaday Ahmiyadda Kaadhkani u leeyahay doorashooyinka soo socda iyaga oo bulshada deegaankaasi ugu baaqay inay qaataan kaadhadhka Codaynta .

Wasiirul dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Iyo Wasiirka Hawlaha Guud oo halkaasi hadallo dardaaran oo ku aadan sidii loo qaadan lahaa kaadhka codbixinta ka jeediyay ayaa sheegay inay dhoqoshay tahay degmado taariikh weyn ku leh qaranka isla markaasna loo baahan yahay inay muujiyaan tiradooda.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md . Muuse Biixi Cabdi ayaa gabagabadii halkaasi ka jeediyay khudbad aad u qiimo badan oo ka hadlaysa taariikhda degmada Dhoqoshay oo uu sheegay inay ahayd degmadii kaliya ahayd ee aan markaliya laga qabsan Ururkii SNM, Geesta kale Waxa uu ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan deegaanka dhoqoshay iyo magaalooyinka hoos yimaada inay qaataan kaadhka si ay u codeeyaan.

Image may contain: 7 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 16 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 17 people, people smiling, crowdImage may contain: 15 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and crowdImage may contain: 10 people, crowd and outdoorImage may contain: 1 personImage may contain: 10 people, crowd and outdoorImage may contain: 14 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 1 personImage may contain: 13 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 9 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 10 people, crowd and outdoorImage may contain: 2 people, beardImage may contain: 1 personImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and people standingImage may contain: 1 personImage may contain: 2 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 2 people, people on stageImage may contain: 1 personImage may contain: 2 people, people smiling, people eatingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people and indoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standingImage may contain: 1 person, on stagehttps://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/19894641_443333409363717_8228092885100241187_n.jpg?oh=67f14c5f3286b4777a55224a27d37a74&oe=59CB7FDAImage may contain: 9 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 8 people, people smiling, people standing

Leave a comment

  Tip

COMMENTS
Latest News