Saxilnews.com
SAWIRO:-Meydka Gen. Cabdikariim Dhaga Badan oo Loo Qaaday Deegaanka Xiraale!
November 2, 2015 - Written by admin

Muqdisho (SAXILNEWS)_Meydka Gen. Cabdikariim Dhaga Badan oo Loo Qaaday Deegaanka Xiraale!12189044_800778196701042_8492499687380217038_n

Muqdisho:- Meydka Abaanduulihii hore ee Ciiddanka Xooga Soomaaliya  Alle Ha U Naxriisto  Garenal CabdiKariin Yuusan Aadan Dhaga Badan ayaa saaka loo qaaday Deegaanka uu ku dhashay ee Xiraale ee Gobolka Gal-Gaduud.

Diyaarad gaar ah ayaana Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdsho ka qaatay Meydka Marxuumka, waxaana loo sameeyay Sagootin heer qaran ah.

Cutuboy ka tirsn Ciidamada Xooga Dalka oo ay wehliyaan Kooxda Banda Musigada ayaa qeyb weyn ka ahaa Sagootinta loo sameeyay Jananka.

Madaxda Qaranka ayaa sidoo kale ka qeyb gashay Sagootinka meydka Gen. Dhega badan oo la filayo in maanta lagu aaso Deegaanka Xiraale.

Gen. Cabdikariim Yuusuf Dhaga Badan ayaa shalay lagu dilay Hotel Sahafi ee Magaalada Muqdisho.

SAWIRRADA
12063728_800778340034361_8623533251722228959_n12074885_800778273367701_6771631233817550669_n12108071_800778256701036_3006176532361005984_n12187874_800778293367699_447603951564187907_n12189044_800778196701042_8492499687380217038_n

MAXAMED ILKACASE 

MUQDISHO OFFICE 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News