Saxilnews.com
Sawir Gacmeedkii Ugu Cajiibsanaa Oo Laga Sameeyay Dhaqankii Jose Mourinho Ee Man United & Dhaqanka Cusub Ee Ole Gunnar Solskjaer.
December 27, 2018 - Written by editor

Manchester United ayaa gaartay go’aan ay shaqada kaga ceyrineyso Jose Mourinho kadib markii uu si xun kooxda ugu bilaabay fasal ciyaareedkaan, waxaana lasoo afjaray muddo laba sanadood iyo bar uu garoonka Old Trafford ka ahaa midka ugu sarreeya howsha gudaha garoonka.

Sida ay warbaahinta inta badan baahiyeen tiro ciyaartoy ah ayaa sababay shaqo ka ceyrintaas kuwaas oo taleefoonka ka wacay maamulka kooxda una sheegay in la joogo waqtigii uu bixi lahaa macalinka reer Portugal.

Ole Gunnars Solskjaer ayaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay shaqada tababaranimo ee Red Devils wuxuuna sii heyn doonaa ilaa laga gaaro dhamaadka fasal ciyaareedka, balse saameyntii uu kooxda ku yeeshay labadii kulan ayaa laga sameeyay sawir gacmeedyo laba ah.

Sawir gacmeedyada waxaa lagu sharraxay xaaladda iyadoo lagu saleeyay sida ay xiddigaha kooxda isku badaleen kadib bixitaanka Mourinho iyo sida Ole uu kaga faa’ideystay qaar ka mid ah wiilasha la dagaashanaa Jose Mourinho.

Sawir gacmeedka koowaad waxaa lagu sharraxay sida Jose Mourinho uusan u waraabin geedka Pogba, Martial, Sanchez iyo Rashford isla markaana uu diirada u saaray Fellaini iyo sida Ole Gunnar uu hawsha u badalay.

Dhinaca kale, ZEZO waxey sawir ka sameysay sida Ole Gunnar Solskjaer uu u doonayo inuu Paul Pogba kaga badbaadiyo dhibaatada uu Jose Mourinho horay ugu geystay dhawr ciyaartoy oo uu kula soo shaqeeyay kooxaha Real Madrid, Inter Milan & Chelsea.

COMMENTS
Latest News